Makamad ku taala dalka Mareykanka oo ku gacan seertay dacwad burcadbaddeednimo ka dhan aheyd rag Soomaali ah oo lagu hayo Mareykanka.
Xaakin Raymond Jackson ayaa xukumay in danbiyada ragga loo heysto
aysan ku jiray dhac iyo in ay xoog ku fuuleen oo ay la wareegeen markab
dagaalka ee Mareykanku leeyahay, sidaa darteedna uusan danbiga la soo
oogay u dhigmin burcadbadeednimo.
Eedeysanayaashan oo lagu maxkamadeenayay gobolka
Virginia, ayaa wali waxaa lagu qaadayaa danbiyo kale oo ay ka mid
yihiin gacan ka hadal, mu'aamarad iyo weerar.
Lixdan nin ee Somaalida ah ayaa beeneeyay in ay galeen danbiyada lagu soo oogay.
Dacwada ayaa la filayaa in ay dib u furanto bisha October ee soo socota.