Waxaa aad u muhiima in meel walba oo xafiis dawladeed ah lagu qoro telefonada masuuliyinta
Sare ee xafiiska ama hayada ama wasarada etc. Waayo wax badan ayay wax ka taraysa in ay yaranto
Dadka lagu dhibaateeyo shaadhka dowlada iyo wax ka qabashada sidii loo yarayn laha musuqaa wadanka daashaday ee xafiis walba iyo haayad kastoo dowliya yaala sideedabana waxa caalamka
Laysku dhaafay (signs) ama calaamado ama qoraalo lagu qoro meelkasta oo ka turjumaya sida loola
Macaamilayo ama loola dhaqmayo xafiis hanoqoto ama qaybaha kala duwan ee dowlada iyo hayadaha kala duwan ee dalku leeyahay inkastoo ay somalidu tahay dad (oral sociaty) ama dad in wax hadal loogu sheego wax ku fahmi kara tusaale dee caalamka waxa la raaca uun hadaad marayso
Wado (traffic signs) hadii xita aad xafiis ku dhex jirto waxad raacaysa wa signs iyo calaamado wax kutusinaya adigoon cidna wax waydiin calaamadahaas oo (international) ah oo hadad china tagtana aad fahmi kartid hadad gelbeedka tagtana fahmi karayso oo yagu ku hagaaya meelkasta aduunka ad katagto hadaba somalidu way ka duwantay dadka kale xitaa haduu (sign board) hortaagan yahay waxuu ka jecelyahay inuu qof wax waydiiyo taasuu ku qancaya wana sababta ay somalidu u noqotay rer wax sheeg hadana hadii labaro looguna dadaalo waxwayn ayay utari lahayd waxa laga yaba inuu nin xafiis kugu dhibo lakin aanad garanayn meel looga dacwoodo simply hadii dushiisa (cctv camera) ku xirantay ama telkii laga wacaayey kii ka sareeyay waxa laga yaba inuu boqo oo aanu laaluush ku waydiin ama aanu ku dhibin ee shaqadaada ku fududeeyo isagoo u baqaaya in shaqadiisa waxyeelo soo gaadho ama la eryo hadaba arintan wa arin muhiimadeeda u leh horumarka dalku gadhi karo wana arin si fudud lagula dagaalami karo musuqa wadanka aafeeyey
Waxaan manta ka arkay saxaafada sawir laga soo qaaday airportka hargeisa (sign board) ama samuurad ku tala oo ku qorantahay hadi aad dhib kala kulanto airportka soo wac maareeyaha iyo kuxigeenkiisa wan ku farxay wa arin wanaagsan wayo waxan xasuustay mar airportka hargeisa lay igu dhibay oo xita lacag laygu wadiistay laalush ah taasoo hadii ay sida maanta ku qoranan lahayd samuurad laga helayo telefona madaxda kala duwan aan u caban laha lakin nasiib daro waqtiga mayjirin wana arin cusub oo wax tarkeeda leh meel walba oo xafiisa wa in lagu qora qoraaladas ay ka muuqdan telefonada madaxda waliba waa in lahela telefonada hayada musumaasuqa ladagaama wa haday wax qabanayaane wa arin lacag aad u yari ku baxayso hadana wax tar wayn uleh bulshada wadankana lacag laga dhici jiray usoo xarayn karta
Gunti iyo gabo gabadii anagu mucaarid ahaan wax kastoo wanaagsan oo soo kordha ama talaabo kasta oo dhanka wanaagsan loo qaado wa soo dhawaynaynaa ishallah wayo mucaaridku wuxu raba wadanku inuu hagaago wana sababta loo sameeyay mucarid iyo muxaafid.
Allaa mahad iske leh dhamaanteed
Abdiqan ibrahim salaf(kaptanka)
Political activist
South africa cape town
captainsalaf@hotmail.com
abdiqanisalaf@facbook.com
———————————————-
Afeef: Aragtida maqaalku waa mid u gaar ah qoraaga, anaguna hadaanu Oodweynenews nahay waxaanu leenahay Magacaagu yuu noqon mid xumaan ka marag kaca, haka talin masiibiyo wax makhluuqa kalla dilla,
↧
Waxaan aad ugu farxay markan Arkay calaamad lagu sameeyay Egal airport oo runtii wax wayn Katari doonta musuqa aafeeyey Wadanka, W.Q abdiqani salaf
↧