Ciidamada Kooxda Al Shabaab ayaa waxa ay maanta ganacsato farabadan ka xir xireen inta u dhaxeysa Magaalada Muqdisho iyo degmada Afgooye ee gobolka Sh/Hoose.
Sida ay sheegayaan wararka laga helayo Deegaanada Ceelasha Biyaha iyo Lafoole Ciidamada Kooxda Al Shabaab ayaa xabsiga u taxaabay ku dhawaad 15 ganacsato ah oo ku ganacsan jiray Laamiga hareerihiisa.
Ganacsatadaan la Xirxiray ayaa waxa wararku Sheegayaan in ay ka biyo diideen amaro ay dul dhigayn maamulka Al-Shabab ee deegaanadaasi oo ahaa in ay burburiyaan Goobahooda ganacsi oo ahaa kuwa iyaga soo galay Jidka sida ay sheegayaan Saraakiil ka tirsan Shabaab.
Ma ahan markii ugu horaysay oo Ciidamada Maleeshiyada Al Shabaab ay Xabsi dhigaan ganacsato Soomaaliyeed iyadoona la ogyahay in ay jirtay in la Xirxiray Ganacsato Soomaaliyeed oo deegaanadaasi ku sugan ka dib markii ay ka dhaga adeegayn awaamiir ay Al-Shabaab dul dhigtay oo ahaa inay afka carabiga ku qoraan goobahooda Ganacsi.
↧
Shabaabka Ceelasha biyaha Oo xabadka dhulka u dhigay Ganacsato
↧