Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all articles
Browse latest Browse all 54547

Ciidamadii Mareykanka ee dagaali jiray dalka Ciraaq oo halkaasi isaga baxay saaakay

$
0
0

Kuwii ugu danbeeyay ciidamada Mareykanka ee dagaalka ka waday dalka Ciraaq ayaa maanta oo Khamiisa taariikhdun isaga baxay Dalka Ciraaq, ka hor labo Isbuuc xilligii rasmiga ee horey u qabsadeen inay ku baxayaan dalkaasi.

Ciidamadan oo gaaraya 50 kun oo askari kuna hubeysan tobanaan gaadiidka gaashamana ayaa Saaka aroortii hore isaga baxey Ciraaq iyaga oo uga gudbey dhanka xuduudka Dalka Kuwait oo lagu wado iney uga sii gudbnaan Dalka Afganistan.
Waxaa la arkayey Warbaahinta Dalka Mareykanka oo soo tabinaya muuqaallada ciidamadan oo Dalka Ciraaq uga sii gudbiya dhanka xuduudka Dalka Kuwait.
Sidii horey hogaanka ciidamada Mareykanku u sheegay waxey aheyd iney ciidamadoodu dalka Ciraaq ka dhamaadaan dhamaanka Bishan August, balse labo Isbuuc ayey ka soo hormareen.
Marka laga reebo ciidamada Dagaalada ee Mareykanka ee saaka isaga huleelay Ciraaq waxaa jiri doono ciidamo ku hari doona, howshooduna ay tahey tababaro ay siinayaan kuwa Dowlada Ciraaq iyo kuwo kala qeyb qaata waxey ugu yeeraan la dagaalanka Argagaxisada.


Guud ahaan ciidamada Mareykanka waxaa lagu wadaa iney ka wada dhamaadaan Dalka Ciraaq dhamaanka sanadka 2011, siduu dhigayo heshiis horey u dhex marey Dowladaha Mareykanka iyo Ciraaq.


Ciidamada Mareykanka intii ay ku sugnaayeen Dalka Ciraaq waxey ka geysteen gabood falo badan oo ay kula kaceen Shacabka reer Ciraaq iyo sidoo kale dhibaatooyin baxaadle oo in muddo ah aanu dalka ka soo kaban doonin.

Isha Warka; islamtoday.net

Xigasho somalimirror


Viewing all articles
Browse latest Browse all 54547

Trending Articles