Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all articles
Browse latest Browse all 54547

Ciidamo ka tirsan Alshabaab oo dhowr jaho ka degay degmada Afgooye iyo bandow XI ku soo rogay

$
0
0

Ciidamo ka tirsan Ururka Alshabaab ayaa laba dhinac ka degay magaalada Afgooye iyadoo sida loo maleeyo doonaya iney la wareegaan magaalada Afgooye oo ah magaalada keliya ee Ururada Xisbul Islam haatan xukumo.

Xisbul Islam oo sida loo maleeyo  Arrinkaasi kahor tagaya ayaa sheegay iney bandow tahay magaaladu xilliyadii habeenkii ah  gudaha degmada Afgooye kaasi oo si toos ah
uga dhaqan galay habeenkii xalay Degmada Afgooye, waxaana dadka
deegaanka lagu wargeliyay in uu bilaabanayo Bandowga sagaalka habeenimo
salaadda Taraawiixda kadib kuna ekyahay xilliga salaada Subax la gaaro.


Maalmihii lasoo dhaafay ayaa Ururka Xisbul Islam iyo Alshabaab waxa ay
dhaq dhaqaaqyo xoogan ka wadeen Degmada Afgooye, waxaana qorshaha u
socda Alshabaab uu yahay sidii ay Xisbiga ugala wareegi lahaayeen
Maamulka Degmada Afgooye iyadoo Xisbiguna Arrinkaasi uu aad uga feejigan
yahay.


Xisbul Islam deegaannada ay ka arimiyaan ayaa waxaa sida ay doonaan dad
ugu dila Alshabaab iyadoo Ururka Alshabaab deegaannada ay ka arimiyaan
Xisbul Islam aysan wax dhaq dhaqaaq ah ka sameyn Karin.


Dhowaan ayay aheyd markii dil lagu eedeeyey Ururka Alshabaab loogu geystay
deegaanka Ceelasha biyaha Maxamed Tahliil kaas oo ahaan jiray nin u ololeeya nabadda iyo taakuleynta dadka tabaaleysan


Viewing all articles
Browse latest Browse all 54547

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>