Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all articles
Browse latest Browse all 54547

Abaal Marinta Noble Peace Prize

$
0
0

Madaxweynaha wadanka Laberia, oo ah Haweeneeydii ugu horeeyay oo si demuqraadi ah loogu doorto madaxweeyninimo Qaaradda Africa, haweeneey u dhaqdhaqaada Xuquuqul Insaanka oo iyana u dhalatay Liberia iyo Gabar Yemeni ah ayaa Jimcihii shalay ku guuleeystay abaal marinta caalamiga ah ee loo yaqaan Nobel Peace Prize

Abaal marintan oo xambaarsan Lacag gaareeysa $1.5 million ( hal milyan iyo Bar ) ayaa loo kala qeeybiyay Madaxweynaha Liberia Ellen Johnson Sirleaf,  Haweeneyda kale ee reer Liberia ee nabadda u ololeeysa Leyma Gbowee iyo Haweeneey iyana u dhaqdhaqaaqda Demuquraadiyadda oo reer Yemen ah Tawakkul Karman

Tawakkul Karman  ayaa abaal marintan ku muteeysatay ineey tahay haweeney u istaagtay ineey ka soo horjeesato xukumadda kali taliska ah ee Yemen iyo doorka ay ku leedahay xaqiijnta xuquuqda dumarka Yemen.

Abaal marinta la gudoonsiiyay Tawakkul Karman ayeey gudigii magacaabay ku sheegeen ineey muhim u tahay nabadda dunida Carabta ee horu mareeysa. Halkaasoo ay ka jiraan dhaq dhaqaaqo xuriyad doon ah iyo kacdoono ka dhan ah xukumado wax ku amar taagleeya

Tawakkul Karman ayaa sidoo kale noqoneeysa haweeneeydii ugu horeeysay ee carbeed ee ku guuleeysata abaal marinta noocan ah.

Hadaba faahfaahin ku saabsan Tawakkul Karman oo uu Sanca inooga soo diray wariyeheena Jacfar Kuukaay halkan hoose ka dhageeyso


Viewing all articles
Browse latest Browse all 54547

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>