Madaxweynaha maamulka la magacbaxay Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo iyo wefdi Wasiiro iyo Taliyaasha Ciidamada Booliska & Milateriga ee maamulkiis ayaa maanta gelinka hore booqday magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool iyagoo joogey mudo saddex saacadood.
Wefdiga oo kasoo ambabaxay magaalada Burco oo ay shalay soo gaareen ayaa waxaa magaalada kusoo dhoweeyey dadweyne fara kutiris ah oo ku qanacsan maamulkaas oo ruxayay caleemo iyo calanka Somaliland.
Madaxweyne Siilaanyo ayaa sidoo kale booqday degaanka Gambara ee duleedka magaalada Laascaanood halkaas oo ay isku horfadhiyaan Ciidamada Somaliland iyo Ciidamada Dowladda Puntland,waxaana uu la hadlay Ciidamada oo uu dhiirageliyey.
Kadib markii ay dib ugu soo laabteen magaalada Laascaanood ayuu Madaxweyne Siilaanyo jeediyey khudbad uu ku sheegay in maamulkiisu magaalada ay ka hirgelinayaan mashaariic horumarineed isla markaana xusey in Laascaanood ay lamid tahay magaalooyinka kale.
Sidoo kale wuxuu ugu baaqay shacabka reer Sool in ay ka shaqeeyaan amaanka magaalada kadib markii ay halkaas kusoo bateen falalka dilalka qorsheysan iyo qaraxyada lagula beegsanaayo horjoogeyaasha Somaliland ee gobolka Sool.
Madaxweyne Siilaanyo iyo wefdigiisa ayaa dib uga laabtay magaalada iyagoo dib ugu noqday magaalada Burco,waxaana si weyn maanta loo adkeeyey amaanka Laascaanood oo ka duwanayd sidii hore.waxaana magaalada wareegayay Ciidamo Milateri ah iyo gaadiid dagaal oo fara badan.
Tani waxay noqonaysa booqashadii u horeysay uu Madaxweyne Siilaanyo ku tego gobolka Sool gaar ahaan magaalada Laascaanood tan iyo markii sanadkii hore uu noqday Madaxweynaha Somaliland,waxaana ay kusoo aadaysa xilli mudo afar sano ay maamulka Somaliland xoog ku haystaan magaalada oo ay kala wareegeen Ciidamada Puntland.
GalGalanews.com
Sawirada waxaa nasoo gaarsiiyey Xafiiska Warfaafinta Somaliland
↧
Madaxwayne Siilaanyo oo Gaadhay G.Sool +Sawiro
↧