Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all articles
Browse latest Browse all 54547

Warar dheeraad ah oo ka soo baxaya dagaaladii shalay ka dhacay magaalada Muqdisho

$
0
0

Ugu yaraan 14-qof oo isugu jira dhinacyadii dagaalamay iyo shacab ayaa ku dhintay dagaal shalay degmada Kaaraan ku dhexmaray ciidamada dowladda KMG ah oo kaashanaya kuwa AMISOM iyo xoogagga Xarakada Al-shabaab, waxaana ku dhaawacmay dagaalkan 22-qof oo kale.
Dagaalka ayaa yimid ka dib markii ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladda KMG ay weerar ku qaadeen fariisimo ay ku sugnaayeen ciidamada Xarakada Al-shabaab oo ku yaala degmada Kaaraan, iyadoo dagaalka intii uu socday la isku adeegsaday hubka culus iyo kan fudud, waxaana la sheegay in ciidamada dowladda KMG iyo kuwa AMISOM ay gaareen Isbitaalka Keysaneyd, ayna fariisin ka dhigteen sarta lagu magacaabo Xaawo-casir, sidoo kalena warar kale ayaa sheegay in ciidamadu ay gaareen mowlaca Sheekh Cali Cabdulle.
G/sare Maxamed Maxamuud Saney oo ah taliyaha guutada koowaad ee ciidamada dowladda KMG oo saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in dagaalka uu uga dhintay hal askari, ayna uga dhaawacmeen shan kale, isagoo xusay inay ku dileen sedex ka mid ah dagaalyahannada Al-shabaab ayna ku qabteen afar kale, oo uu sheegay inuu ku jir sarkaal aad looga yaqaano degmada Karaan oo uu magaciisa ku sheegay Mukhtaar.
“Culeys badan nagama horimaan, waxaana diyaar u nahay inaan wixii hadda ka dambeeya kula dagaalanno Al-shababa meelaha ka baxsan magaalada Muqdisho” ayuu yiriCol.Saney oo intaas ku daray inay gacanta ku hayaan Isbitaalka Keysaney, ayna sii wadayaan dagaalka sida uu yiri.
Guddoomiyaha degmada Kaaraan C/llaahi Maxamed Rooble oo isna saxaafadda kula hadlay degmada Kaaraan ayaa sheegay inay shacabka ugu baaqayaan inay is-dejiyaan, wuxuuna ka digay in goobaha ay Al-shabaab ka baxday lagu deg-deg tegitaankooda, wuxuuna yiri “Dowladdu waxay baaris ku sameynaysaa goobihii ay ka baxeen ciidamada Al-shabaab, marka waa inaysan dadku ku deg-degin goobahaas”.
Dhinaca kale afhayeenka dhinaca howlgalada Xarakada Al-shabaab oo ka hadlay dagaalka ayaa isna sheegay inay fashiliyeen sida uu yiri howlgal ay doonayeen ciidamada dowladda KMG iyo Kuwa AMISOM inay isugu fidiyaan deegaanada ay iyagu gacanta ku hayaan, ayna ka dileen askar badan, halkii ay ka soo duuleenna lagu celiyey sida uu yiri.
“Dagaalkii shalay lagu soo qaaday fariisimada Mujaahidiinta ee la doonayey in lagu qabsado runtii waan fashilinay, kooxihii weerarka soo qaadayna khasaare xoogan ayaan u u geysanay, waxaana ka dilnay askar badan, waxaana idiin sheegayaa inaan dib ugu celinay halkii ay ka yimaadeen ee ay markii hore ka soo duulaan-tageen” ayuu yiri Sheekh C/casiis Abuu Muscab oo la hadlay warbaahinta.
Si kasta oo ay ahaataba dagaalka ayaa markii uu istaagay waxay ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladda KMG madaafiic arxandaro ah ku garaaceen deegaano ka tirsan xaafadaha Suuqa-xoolaha, SOS, Ex. Kontarool, Waxar-caddde iyo xaafado kale oo ka tirsan degmada Huriwaa, halkaas oo ay ku geeriyooyeen dad aad u faraban, isla markaasna ay ku dhaawacmeen tiro kale oo ka sii badan inta dhimatay, iyadoo dad goob joogayaal ah ay sheegeen inay arkeen meydka 7-ruux iyo dhaawaca intaasi ka badan.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 54547

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>