Quantcast
Viewing all articles
Browse latest Browse all 54547

Xarakada Al Shabaab oo maanta dhaq dhaqaaqyo ciidan ka wado Waqooyiga Magaaladda Muqdisho

Xoogaga Shabaab oo shalay lagala wareegay dhul balaaran, ayaa waxay maanta magaaladda Muqdisho ka wadaan dhaq dhaqaaqyo ciidan oo balaaran, oo ay ku doonayaan inay iskaga caabiyaan Ciidamadda Dowladda iyo kuwa Amisom.
Xarakada Al Shabaab oo shalay ciidamo xoogan geysay duleedka degmada Kaaraan ee Gobolka Banaadir, ayaa waxay maanta degmooyinka Dayniile, Heliwaa iyo qeybo ka mid ah degmada Kaaraan ay ka wadaa dhaq dhaqaaqyo ciidan.
Xarakada Al Shabaab ayaa waxay qorsheyneysaa inay dagaalo xoogan kala hortagto Ciidamadda Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo Ciidamadda Midowga Afrika ee Amisom, si’ay u daafacato duleedka degmada Karaan.
Saraakiisha Xarakada Al Shabaab ayaa waxay sheegeen inay dib u jebin doonaan Ciidamadda Dowladda iyo Ciidamadda Shabaab, oo ay sheegeen inay dhibaatooyin xoogan ku hayaan shacabka Somaliyeed, waa sida ay hadalka u dhigeen’e.
Shabaab ayaa waxay damacsan tahay inay khasaarooyin u geysato Ciidamadda Dowladda iyo kuwa Amisom, hase ahaatee meesha ay iminka isku hayaan ayaa waxay tahay dhul hawd ah, isla-markaana lama oga waxa ay natiijada ku soo idlaan doonto.
La-soco wixii ku soo kordha.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 54547

Trending Articles