Meydadka 4-ruux oo cusub ayaa shalay iyo maantay laga helay xaruntii hore ee Hargaha iyo saamaha oo hadda ay deganyihiini 8-wasaaradood oo ka tirsan wasaaradaha dowladda KMG, kuwaas oo ka mid ahaa dakii ku geeriyooday qaraxii 4-tii bishan ka dhacay xaruntaasi.
Labo ka mid ah dadka meydadka ah ayaa laga helay Bakhaar ay dawooyinka ku keydsan jirtay wasaaradda caafimaadka oo ku yaala wakaaladdii Hargaha iyo saamaha oo qarax ismiidaamin ah lala beegsaday Salaasadii todobaadkan, waxaana la sheegay in labo ka mid ah ay ahaayeen askar ka tirsan dowladda KMG, halka derbi kale oo soo dumay oo ku dhexyaala xaruntaasi isna laga helay wiil arday ah sida ay sheegeen dadkii helay meydka, iyadoo qofka afaraadna lagu sheegay inuu ahaa qof rayid ah oo ku sugnaa xarunta gudaheeha markii uu qoruxu dhacayey.
“Meydadka 4-ruux ayaa siyaabo kala duwan looga helay xaruntii uu qaruxu ka dhacay todobaadkii hore, ka dib markii laga billaabay howlo lagu ururinayey burburkii dhismayaashii uu qaraxu burburiyey” sarkaal ka tirsan dowladda KMG oo goobta ku sugnaa xilliga meydadka la soo saarayey.
Xarunta wakaaladdii hargaha iyo saamaha oo ay deggenaayeen in ka badan sideed wasaaradood oo kuwa dowladda ah ayaa qaraxii lala beegsaday waxaa ku dhintay 82-qof oo ay ku jiraan arday iyo dad kale, halka dhaawaca uu kor u dhaafay 150-ruux, iyadoo qaar ka mid ah dadkii dhaawacyada soo gaaray loo qaaday dalka dibaddiisa, gaar ahaan dalka Turkiga.
Dhaawacyadii qaar ka mid ah dadkii ku dhaawacmay qaraxaas oo aad u gubtay ayaa loo qaaday dalka Turkiga Khamiistii lasoo dhaafay, waxaana dalka Turkiga ku dhintay Asad Cabdi Siciid oo ka mid ahaa ardaydii goobtaas ku sugnaa, balse ay dowladda KMG ah sheegtay inuu ahaa ruuxii ka dambeeyay qaraxa.
↧
Meydad hor leh oo laga helay xarunta Hargaha iyo saamaha oo qarax is-miidaamin ah ka dhacay
↧