Quantcast
Viewing all articles
Browse latest Browse all 54547

DEG DEG: Raysul Wasaare C/weli Gaas oo Goor dhow Muqdisho Ku soo Guryo-noqday

Muqdisho (RBC) Raysul wasaaraha xukuumadda KMG Soomaaliya C/weli Maxamed Cali iyo wafdi uu hogaaminayo oo beryahan ku sugnaa wadanka Ethiopia ayaa goor dhow ka soo degey garoonka diyaaradaha Muqdisho.
Wafdiga raysul wasaaraha waxaa ka mid ah xubno ka mid ah xafiiskiisa, waxayna shalay iyo xalayba ku sugnaayeen magaalada Addisababa ee wadanka Ethiopia halkaasoo wadahadalo uu kula soo qaatay raysul wasaaraha Ethiopia iyo masuuliyiinta maamulka Soomaalida ee dawlad degaanka.
Waxaa la adkeyey amaanka garoonka diyaaradaha Aadan Cadde illaa wadada isu xirta KM4 itii uu raysul wasaaruhu ka soo degayey garonka.
Dhanka kale raysul wasaare C/welui Gaas ayaa markii uu ka soo degey garoonka wuxuu si toos ah u abaaray goobtii qaraxa weyn uu baabi’iyey maalintii Talaadada ee toddobaadkii hore, halkaasoo xarun u ahayd siddeed ka mid ah wasaaradaha DKMG.
Raysul wasaaraha ayaa si weyn uga xumaaday dadka faraha badan ee goobtaasi ku nafwaayey, wuxuuna markale cambaareeyey kooxda Al-Shabaab oo ku tilmaamay kuwo ma naxayaal ah oo xaasidiin ah.
RBC Radio


Viewing all articles
Browse latest Browse all 54547

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>