CEERIGAABO(OWN)- Badhasaabka gobolka Sanaag Cali Cabdi Hurre ayaa caawa abbaara 10:00-pm wuxu magaalada Ceerigaabo uga ambabaxay dhinaca degmooyinka Ceel-afweyn iyo Gar-adag ee galbeedka Sanaag waxana badhasaabka socdaalkiisu salka ku hayaa soodhowaynta Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo isagoo maalmahanba socdaal ku marayey gobollada bariga Somaliland la filayo burrito inuu kusoo began yahay degaannada gobolka Sanaag.
“Waxan u ambabaxay dhinaca Ceel-afweyn oo inkastoo aan waqtiga xaggaas idiinka soo sheegi doono la filayo burrito inuu Madaxweynuhu kusoo began yahay”. Sidaas waxa yidhi badhasaabka Sanaag Cali Cabdi Hurre oo isagoo dhexda kusii jira aannu khadka telefoonka kula xidhiidhnay.
Dhinaca kalena waxa magaalada Ceerigaabo gudeheeda laga dareemayaa diyaargarowga shacabka ee soodhoweynta madaxweynaha iyo weliba adkaynta nabadgelyada oo ciidammada birmadka boliisku iyo millateriguba kaga jitraan halkaas.
Waxa sidoo kale iyaguna jira dhaqdhaqaaqyada kusaabsan madaxda xukuumadda iyo madax-dhaqameedyada kasoo ambabaxaya degaannada la filayo inaan madaxweynuhu gaadhi doonin gaar ahaan Sanaag-bari.
Sikastaba ha ahaatee booqashada madaxweynaha Somaliland ee gobolkan Sanaag ayaa u muuqata mid bulshadu rajaynayaan kana filayaaan jawaabta ballan-qaadyadii hore iyo waxqabadka xukuumadda ee ay gobollada kale ee Somaliland kala siman yihiin.
C/laahi Xuseen Darwiish
Oodweynenews.com/Ceerigaabo Office.
Email: gxdarwish@hotmail.com
Tell: 00 252 2 4475343-mobile.
↧
Badhasaabka Sanaag Oo Degmooyinka Galbeedka Ugu Ambababxay Soodhoweynta Madaxweynaha Somaliland.
↧