Caalimka Weyn ee Soomaaliyeed Sh. Maxamed Cabdi Umal oo ka hadlayay masaajid ku yaala magaalada xeebta ee Mombasa ayaa aad ugu dheeraaday waxa ay diintu ka qabto qaraxii lagu laayay boqolka qof ee ardada u badan.
Sh. Umal asagoo soo daliishanaya aayado Qu’aan ah iyo Axaadiis badan ayuu baadi iyo waxaan sal iyo raad toona ku lahayn diinteena Muqadaska ah ku tilmaamay falkii foosha xumaa ee lagu baabi’iyay dadka aan waxba galabsan ee ardayda iyo rayadka u badnaa.
Kiwii falkan gaystay ayuu Sheekhu ugu baaqay inay Alle u toobad keenaan, asagoo waliba aad u bayaamiyay khatarta ka dhalan karta fulinteeda iskaba daayee ku faraxa falalka noocan oo kale ah.
Qaraxa waxaa sheegtay Xarakada Alshabaab, ayadoo afhayeenka Xarakada Sh. Cali Dheere uu si aan gabasho lahayn dhawaaq dheer ugu sheegay saxaafadda in falkani ay ka danbeeyeen isla markaana uu haa mid u fulay sidii ay ugu talogaleen.
Sh. Cali wuxuu ku dhaatay inay goobta ku jareen ciidamo tabobar loogu qaadayay dalka dibadiisa balse waxaa cadaatay taa bil cagsigeeda in goobta ay ku dhamaadeen waalidiinta iyo arday badan oo saf ugu jiray sidii ay u aadi lahaayeen dalka Turkiga oo deeq wax barasho u fidiyay.
Falkan oo ahaa kii labaad oo arday lagu qarxiyo ayaa waxaa aad uga xumaaday dhamaanba bulshada Soomaaliyeed qaybaheeda kala duwan ayadoo dhaleecayn badan ay khaasatan ka soo yeertay Culimada ugu aqoonta badan dadka Afsoomaaliga ku hadla.
Mid kamid ah siyaasiyiinta Soomaaliyeed oo la hadlay shabakaddan ayaa yidhi “Shabaabku waxay jaanis balaaran siinayaan kooxda qawlaysatada ee dalkii bad iyo bariba iibinaya, halkii shacabku la xisaabtami lahaa madaxda dawladda ayay dhinacooda kolba jaanis ay ka faa’iidaystaan bixinayaa”, asagoo waliba is waydiinaya damiirka iyo diinta ay haystaan madaxda Shabaabka ee ogolanaya fulinta falalka noocan oo kale ah.
Bahda- GalGalanews
↧
Sh. Umal oo ka hadlay Khatarta Is Qarxintu Leedahay dhanka Diinta Islaamka
↧