Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all articles
Browse latest Browse all 54547

Dhalanrogga Carabta.(fikrad khaas ah)

$
0
0

Bulsho waliba dhaqankeed, umad waliba hiddeheed, qawmiyad kasta
caadadeed, qaran walibana astaantiis, luqadda iyo midabku waaba
saldhigga umad lagu sooco, “DADKU AFKA AYUU ISKU GARTAA, XOOLUHUNA URKA”
isku duubee waa gaar noqoshada shacab uu kaga duwan yahay shacab kale,
haba isaga ekaadaan qacda hore, hab dhawaqa xarfaha iyo soo saaridda
erayada, haddana aad ayey u kala duwan yihiin, markaad u sii dhabba
gasho, gaar ahaan umadaha ood wadaagta ah ama dariska ah, kuwaas oo ay
adag tahay in la kala saaro marka hore, hadaad aqoon fiican loo lahayn,
ama aan laga garan luqadda iyo afka ay ku hadlayaan.
Qormada maanta waxaan ku eegaynnaa waxa naga soo galay dhanka Carabta,
guud ahaan Aadanuhu waa isa saameeyaa, waxayna kala yihiina: “saameeye
iyo la saameeye”, ujeedka iyo qaab saamayntu kala duwan, waxayse isugu
wada ururayaan “qabsasho iyo maarayn”, saamaynta waxaa ugu xun midka ku
dhaca: “dhaqanka hiddaha Afka iyo maanka”, ayna ka dhalato is liidid iyo
is qiima tir, loona arko qofka kale inuu kaa sarreeyo ama wax ku dheer
yahay.
Darisnimida Carabta xiriirka ganacsi iyo diin wadaagga ka sokow, wadanka
waxaa yimid Carab ka soo qaxday cadaadiskii maamulladii xukunka ku
loolamayey, waxayna Soomaalida ka heleen soo dhawayn wacan iyo
martigalin wanaagsan, waxaase abaalkaa maanta lagu magay: “tarxiil
tacaddi iyo baddoo lagu daadsho!”.
Doodo xooggan ayaa ka taagan Carabnimda Soomaalida, waana meesha sartu
ka quruntay, ayna sii xoojisay Soomaalida oo ku biirtay Jaamacadda
Carabta iyo mashruucii loo baxshay Carabaynta Soomaalida ee la magac
baxay: “Man anta? Ana Jamac”, oo buugaag loo soo daabacay, haddana aan
dhaqangalin xilligii dawladda, haddaba maxaa dhacay burburkii dawladda
ka dib? Waa jawaabta aan ku baadi goobaynno qormada.
Dalka gees-ka-gees waxaa ku faafay hay'ado Carbeed oo dhammaan wada wata
magaca Islaamka, kuna magacaaban: “gargaar iyo deeq bixiyayaal”,
hay'adahaas waxay wateen qorshe ka dhan ah dhaqanka afka iyo hiddaha
Soomaaliyeed, qorshuhu mid qayaxan oo muuqda ma ahayn, balse waxaa laga
garan karay lagana garan karaa hab dhaqankooda, waxyaabaha ay qabteen
waxa ugu muhimsan maandoorinta dhalinyarada Soomaaliyeed, oo runtii ah
midda ay xoogga saareen, maxaa yeelay barnaamijkooda inta badan waxaa
lagu beegsaday dhalinta, iyada oo loo adeegsaday kuwo isku sheega
wadaaddo iyo mashaa'ikh!
Maandoorinta dhacday ma ahan carabtu miday Soomaaliya kaliya la
beegsatay, marxaladda Soomaalida ayaase iminka socota, waxaa ka
horreeyey dawladaha Afghanistan, Indonesia, Turkey, Sudan Mauritania iyo
Pakistan, dalalkaas muslinka ah aanse ka soo jeedin qawmiyadda Carbeed
waxaa la dhadhansiiyey xanuunkii adduunka, waxaana u soo horkacay
Carabta, fekerka xagjirka ah ee ay ku dhex beereen awgeed, wixii ka
dhacay wadamadaa sagaashameeyadii waa la wada xusuustaa, waa isla
xilliga la beerayey xididka iminka silcinaya umadda Soomaaliyeed.
Waxaan ahayn umad muslin ah, Carabtu diinta waxay ku qaateen seef iyo
cabsiye, Anaguse waxaan ku qaadanay doorasho iyo dookh, Anaga iyo
muslinnimada wax naga hallaysnaa ma jirin ama naga qaldanaa, hoogse
wuxuu dhacday markay Carabi fara galisay dhaqankeenii, kuna dhex beertay
sun ay “diin” ku sheegayaan, aanse diin shuqul ku lahayn marnaba, balse
dadkeenii loogu meershay inay tahay diin naga maqneed, ayna waajib
tahay inaan qaadanno.
Ila eega Soomaalaay, xagee ka dhacday gayiga aan dagannahay in mayd la
waxyeelleeyo ama qabrigiisa la faago? Abid maydku maamuus ayuu lahaa,
wuxuu rabo ha ahaado, maantase xushmadda waa la dooriyey, waxaa la dhihi
karaa Carab ha eedayn dadkeennaa doqonno ehe!, hubaal aan caad saarnayn
ninka Soomaali ah ee Carab Cigaal dheer ka aqristay mayd faag ee lafo
soo bixi inuu doqon yahay!, waxaanse doonayaa inaan muujiyo xilka
Carabtu ku leeyihiin murugadan taagan, maxaa yeelay maan Soomaali kama
soo maaxan qabri faagiddu!
Waxaa kale oo la dhihi karaa maxaa Carabta Muslinka ah ku tusay? Maad
eegtid ama wax ka sheegtid gaalada Soomaalida gaalaysiinaysa? Taas
waxaan ka dhihi lahaa, ninkii gaal noqda ama diinta isaga baxa cidna
waxba uma dhibin, in laga nabad galana u badi, oo uusan cidna ku qasbin
isoo raac iyo diinta ka bax!
Haddaba yaa dhib badan: qofka waxa uu samaynayo ku ekaynaya naftiisa iyo
inta ku xeeran ee raaliga ka ah? Mise qofka naftiisa halligaya inta
kalana gaarsiinaya? hubaal inuu daran yahay kan dambe, waana midda aan
sadaradan u qorayo qalinkana u qaatay!, taas macaneedu ma ahan inaan
gaalnimo dadka ugu yeerayo, qof walbase isaga ayaa ikhtiyaar leh.
maandoorinta Carabtu dhalinyarada ku samaysay waxay ku cudday, inay ugu
horreeyaan inta magaca diinta wax ku disha, waxaase la dhihi karaa:
dhalinyaradu markii horaba qabiilka ayey qoriga u wadeen, ee  maxaa
wadaadada loogu dhaliilayaa kaligood? Sax, yaase ku yiri laguma
dhaliilin qabiilku inuu xaabo ka dhigto dhalinta, teeda kale dhalintu
markay qabiilka qoriga u siddo dhiigga dadka ma bannaysto, waana
ogyihiin inay qalad galayaan, waxaase ka xoog badiya ciriqa qabyaaladda,
haddaba qori u qaadidda qabiilka waa dhaqan soo jireen ah, balse wiil
qori loo dhiibay ee lagu yiri walaalkaa soo dil, Isagoo aaminsan inuu
gaal yahay ayaan ka hadlaynnaa!, waana midda iminka wadanka ka taagan ee
Carabtu masuulka ka tahay.
Sanadaha burburka Carabi waxay noo duugtay sun ay ku macnaysay diin,
aanan ka dheefin wax aan waxyeello ahayn: qarax, isqarxin, miino-aasid,
jihaad, janno, gaal, gaaloraac, xukun islaan, dawlad islaan IWM, wiil
dhalo xiiran oo dhakada qayd cas ugu xiran yahay, Aayado iyo Axadiith
uusan ujeedkooda iyo ka jeedkooda garanayn daliilinaya, ee go’aansaday
inuu isqarxiyo naftiisana halaago dadna sii jallaafto, ayaa ah midda
Carabi nala rabtay aanna maanta haynno.
Dhaliisha Carabta kaliya ma lahan,  ee  wadaad xume iyo qof walboo
taageeray Wadaadadii halaagga ayaa la wadaaga, niyadsami iyo wanaag
jacaylba ha ahaato, maxaa yeelay waxa umadda qarxinaya qudha ka goynaya
gamcaha iyo lugaha jaraya waa dhashii wadaadada iyo dhacaankoodii,
maanta iyo shalay wax sidaa ah kuma kala duwana, malaha falalkii xumaa
ee ay wadaadadu ka caajiseen ayey dhalintu dhamaystirayaan, oo wadaad
xume goys dambeed ayuu ka dhoolla caddaynayaa, Carabtuna qosol ayaa
qaaxadu la caddaatay.
Eeg sida maanta loo nacay Alshabaab, iyo sida loo marxabbeeyey
Maxkmadaha, maxay ku kala duwan yihiin? Kan dambe ma helin waqti uu ku
fuliyo falalka xun xun, oo noqday Tuke Caano helay ee kas darro isaga
daadshay, kan horana wuxuu noqday nin waqtigiisa si fiican uga
faa’iidaystay, intuu dhibi karo dhibay, wuxuu qasi karo qasay, ee dadow
maan dhinac iska dhigno laab la kaca iyo wixii cusub caalamkaa jecel!
Ugu dambayn waxaa hubaal ah inaan maanta maraynno meeshii Carabi mudda
nala maaganayd, waxaase ayaan darro ah inaan wali la dareemin sunta
Carabta, oon wali wada suuxsanahay, hubaal in wax walbaa leeyihiin wax
loogu soo dugaalo, waxaa jira cudurro ay kiciyaan dawada cudurro kale,
sidaa oo kale diintii dawada laga filayey ayaa isu badashay cudur!,
wuxuu xaal marayaa: “haddii Dawo bukooto maxaa lagu Dabibaa?”, ama
meeshuu Marx ka yiri: “Diimuhu waa dhibka umadaha” , haddaba dadku waa
inay gartaan dhibka meesha uu ka jiro iyo cidda wadda, si loo badbaadsho
dhulka dhaqanka iyo dhallaanka.
Bashir M. Hersi
brdiraac@hotmail.com


Viewing all articles
Browse latest Browse all 54547

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>