Xildhibaan Maxamuud Geedi Hiloowle oo ka mid ah mudanayaasha Baarlamaaka Soomaaliya ayaa sheegay in dalka Mareykanka looga dabaal dagayo guusha ay gaareen ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya isagoo dhinaca kale sheegay in Soomaalida Mareykanka ku dhaqan in ay si aad ah tageyrsan yihiin maxkamada ciidamada qalabka sida howsha au shacabka Soomaaliyeed u heyso.
Maxamuud Geedi Hiloowle oo ka mid ah mudanayaasha Baarlamaanka Soomaaliya oo ku san magaalada Minnesota ee dalka Mareykanka oo la hadlay Radio Muqdisho ayaa sheegay in dhammaan dadka Soomaaliyeed ee ku nool dalkaasi in ay u dabaal dagayaan guullaha ay soo hoyeen ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya oo magaalada Muqdisho ka saaray kooxda Al-Shabaab.
Xildhibaanka ayaa tilmaamay in magaalada Minnesota Soomaalida ku dhaqan ay maanta ku qaxweynayaan howl galkii shalay ciidamada dowladda ay Muqdisho uga saareen Shabaab, isagoo carabk ku dhuftay in arrintaasi ay muujineeyso in dadka Soomaaliyeed meel walbo oo uu jooga in ay isku duuban yihiin.
Waxa uu ugu baaqay hay’addaha ammaana dowladda ee ku shaqada leh howl gallada in aysan joojin howl galladaasi si dadka Soomaaliyeed ay u hellaan nolol xurnimo leh, waxa uu inta sii raaciyay in ay dhiira gallinayaan.
Dhinaca kale xidhibaan Maxamuud Geedi Hiloowle ayaa sheegay in Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Mareykanka in ay si aad ah u taageersan tahay howlsha ay dalka ka wada maxkamada ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya, waxa uu farta ku fiiqay in ay qayb weyn ka qaadanesyo nabadeenta guud ahaan dalka Soomaaliya.
Ugu danbeeytii ayuu tibaaxay in dadka Soomaaliyeed looga baahan yahay in ay garab istaagaan oo ay la shaqeeyaan ciidamada dowladda ee ku howllan sidii ay dalka nabad iyo kala danbeyn ugu soo celin lahaayeen.
↧
Somaalida dalka Mareykanka ku nool oo u dabaal dageeysa guusha ciidamada dowaldda
↧