Naomi Campbell ayaa markhaati ka noqotay dacwadda ka dhanka ah Charles Taylor.
Dadkii ka casheeyay Guriga Mandela 2007.
Ms Cambell waxaa u yeertay Dacwad Oogayaashaasha
oo rajo ka qabay in ay caddeyso in Taylor uu iyada siiyay dheemman
markii isaga oo Madaxweyne ah ay ku kulmeen guriga Mandela ( oo isaguna
markaa Madaxweyne ahaa) 2007.
Ms Campbell, waxay qirtay in ka dib markii ay
Taylor, Mandela iyo dad kale (sida sawirka ka muuqatay) ay ku wada
casheeyeen guriga Mandela, habeen barkii ay laba nin ku soo garaaceen oo
siiyeen haddiyad aanay u sheegin cidda u soo dhiibtay.
Naomi Campbell waxay Koofur Afrika u tagtay in ay lacag u ururiso Urur Samafal ah oo Mandela sameeyay oo carruurta u gargaara.
Sannad walba waxay ururkaas ugu deeqdaa $50,000 (konton kun oo dollar).