Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all articles
Browse latest Browse all 54547

Ciidamadda Dowladda Somaliya oo ku sugan deegaanada Sarkuuste iyo Ex Control Afgooye iyo dagaalo laga baqdin qabo

$
0
0

Ciidaadda Dowladda Soomaaliya ayaa waxay qorsheynayaan dagaalo culus oo ay ku qaadaan Xoogaga Xarakada Al Shabaab, oo ku sugan deegaanada loo-barakacay ee degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha Hoose.
Ciidamadda Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa waxay maanta ku sugan yihiin Ex Control Afgooye iyo Xeradii Sarkuuste ee duleedka magaaladda Muqdisho, waxayna ku jiraan heegankii ugu sareeyay.
Ciidamadda Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa waxaa laga baqdin qabaa, inay dagaalo xoogan ku qaadaan Xoogaga Shabaab oo ay shalay kala wareegeen duleedka degmada Kaaraan iyo degmada Heliwaa ee Gobolka Banaadir.
Marka laga soo taggo in Ciidamadda Xoogga Dalka Soomaaliyeed ay heegankii ugu sareeyay ku jiraan, ayaa waxay Ciidamadda Xarakada Al Shabaab ay iyana heegan sare kaga jiraan deegaanka 13km, waxayna isku jiraan masaafo aad u yar.
Waxaa xilli kastaa suurta gal ah inay dagaalo xoogan qaadaan Ciidamadda Xoogga Dalka Soomaaliyeed, amaba in iyaga lagu soo qaado dagaalo xoogan, waxaana jira baqdin xoogan oo ay qabaan shacabka.
Wixii kusoo kordha lasoco.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 54547

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>