Roobabkii Deryta ayaa si weyn uga curtay qaar ka mid ah gobolada dalka Soomaaliya, kuwaas oo ay dad iyo duunyaba ku diirsadeen, waxaana la sheegay in roobabkaasi xoogoodu ay ka da’een deegaano ka tirsan gobolada Mudug, Sh/dhexe, Bay iyo Gedo.
Sida warku sheegayo roobabkan oo meelaha qaar weli ka da’aya ayaa waxaa si weyn u soo dhaweeyay dadka ku nool deegaanada ay roobabku ka da’een, kuwaas oo ay soo martay xaalad abaareed oo aad u daran oo ay xoolahoodii ku waayeen, waxaana ay sheegeen inay ku faraxsanyihiin roobaka haatan u bilowday.
Warku wuxuu intaasi ku darayaa in roobabka ugu xoogga badan ay ka da’een gobolada Galgaduud iyo Sh/dhexe, kuwaas oo la sheegay inay biyo-dhigeen, waxayna sheegeen dadka ku nool deegaanada in roobabka oo bilow ah ay rajeynayaan in kuwo kale xoogan ay u di’i-doonaan, kuwaas oo ay dadka iyo duunyada ku diirsato.
Sidoo kale dadka Beeraleyda ah ee ku nool gobolada uu ka da’ay roobaka Deryta ayaa si weyn u soo dhaweeyay, waxayna sheegeen inay haatan isku diyaarinayaan tacbashada beeraha, maadaama ay saameyn xun ku yeelatay abaartii ku dhufatay inta badan gobolada dalka Soomaaliya.
Inta badan gobolada dalka Soomaaliya ayaa waxaa saameyn xoogan ku yeeshay abaaro ku dhuftay, kuwaas oo sababay dhimashada kumaan kun oo Soomaali ah, isla markaasna xoolo tiray kumanaan Soomaali ah, kuwaas oo qaar badan oo ka mid ah ay ku barakaceen gobolada deriska la ah Soomaaliya, halka qaar kalena ay ku soo barakaceen magaalada Muqdisho.
↧
Roobab xoogan oo ka da’ay qeybo ka mid ah gobolada Dalka Soomaaliya.
↧