Ciidamadda Midowga Afrika ee Amisom oo shalay Xoogaga Shabaab ka saaray dhul balaaran, ayaa waxay sheegeen inay hadana dagaalo xoogan ku qaadi doonaan Gobolada Shabeellaha Hoose iyo Shabeellaha Dhexe.
Taliyaha Guud ee Ciidamadda Midowga Afrika ee Amisom Major Fred Mugisha oo wareysi gaar ah siiyay Idaacada BBC-da, ayaa wuxuu daboolka uu ka qaaday inay dagaalo culus ku qaadi doonaan Gobolada Shabeellaha Hoose iyo Shabeellaha Dhexe.
“Waxaan xaqiijinay gacan ku heynta magaaladda Muqdisho, magaaladda Muqdisho waxaa gacanta ku haaya Dowladda Kmg ah ee Soomaaliya iyo Ciidamadda Amisom, hadana waxaan diyaar u nahay inaanu weerarno Gobolada Shabeellaha Hoose iyo Shabeellaha Dhexe.
Waa inaan Shabaab ka saarnaa dalka Soomaaliya oo dhan, maxaa yeellay wax mustaqbal ah uma hayaan shacabka Soomaaliyeed” ayuu yiri Taliyaha Guud ee Ciidamadda Midowga Afrika ee Amisom Major Fred Mugisha.
Major Fred Mugisha ayaa wuxuu rajo balaaran uu ka muujiyay in Xoogaga Shabaab ay kala wareegi doonaan guud ahaan deegaanada ay gacanta ku hayaan, isla-markaana wuxuu sheegay in Amisom ay baacsan doonto Xoogaga Shabaab.
Xarakada Al Shabaab oo dagaalo xoogan looga saaray Gobolka Banaadir, ayaa waxay hada dooneysaa inay daafacato Gobolada Shabeellaha Hoose iyo Shabeellaha Dhexe, oo ay suurta gal tahay inay soo weeraraan Ciidamadda Amisom.
↧
Ciidamadda Amisom oo sheegay inay isku diyaariyeen dagaalo ay ku qaadaan Gobolada Shabeellaha Hoose iyo Shabeellaha Dhexe.
↧