Dowladda Iiraan ayaa sheegtay inay Soomaaliya u direyso kooxdii shanaad oo dhaqaatiir ah si ay daweyn ugu sameeyaan barakacayaasha abaaraha ee ku jira xeryaha magaalada Muqdisho.
Madaxa haya’dda bisha Cas ee dalka Iiraan Maxamuud Muzaffar ayaa sheegay inay kooxdan caafimaad ka koobanyihiin 10 qof oo kuwaas oo isugu jira dhaqaatiir iyo khabiiriin dhinaca dawada ah.
“Kooxdan dhaqaatiirta ah waxay ka yimaadeen gobolka Markazi ee bartamaha dalka Iiraan ku yaala, waxayna shalay ka soo dhoofeen magaaladaTehranee caasimadda dalka Iiraan, iyagoo lagu wado in maanta oo Talaado ah ay ka soo degaan garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho, kooxdan dhaqaatiirta waxay joogi doonaan Soomaaliya 17-maalmood” ayuu yiri Maxamuud Muzaffar.
Hay’adda bisha Cas ee dalka Iiraan ayaa waxay horay uga hirgelisay Muqdisho goob caafimaad oo lagu daweeyo dadka ay abaaruhu saameynta xoogan ku yeesheen, kuwaas oo ku jira lix kaam oo haya’ddu ay horay uga hirgelisay magaalada Muqdisho, waxaana xusid mudan in dowladda Islaamiga ah ee Iiraan ay ku jirto dalalkii ugu horeeyay ee gacan ka geysata caawinta barakacayaasha abaaraha ee soo gaaray Muqdisho, iyadoo ku tabarucday gargaar isugu jira cunno iyo dawo.
↧
Xukuumadda Iiraan oo shaacisay in ay dhaqaatiir Caafimaad u soo dirayso wadanka Soomaaliya.
↧