Wasiirada Haweenka Puntland, Marwo Caasho Geelle Diiriye
Garowe (RBC) Wasiirada haweenka iyo arimaha qoyska Puntland Marwo Caasho Geelle Diiriye ayaa ka hadashay tacadigii loo geystay Faadumo Cali Xasan oo ah hooyo Soomaaliyeed oo ku nool magaalada Boosaaso oo ay dhibaato u geysteen ilaalada gudoomiye ku xigeenkii hore ee degmada Boosaaso C/qaadir Yuusuf Daahir haddana ah agaasimaha guud ee wasaaradda haweenka oo dhowaan loo magacaabay.
Wasiirada oo xalay khadka telefoonka kula soo xiriirtay Shabakada Raxanreeb.com ka dib markii Raxanreeb ay so bandhigtay dhibaatada heysata hooyo Faadumo Cali Xasan oo dhaawac ah ayaa sheegtay inay aad uga xun tahay in hooyo Soomaaliyeed dhibaato loo geysto, waxayna wasiiradu tiri;-
“Anigu bil iyo xoogaa waan maqnaa oo dalka ma joogin, gabadhaas walaasheen ahna arinkeeda warbaahinta unbaan ku arkay qof aan horey isu naqaanay maahan Gabdhaas ima soo wicin laakiin markaan imaado arintaas waan dabagaleynaa waana baareynaa insha Allaahu” ayey tiri Marwo Caasho Geelle oo iyadoo ku sugan magaalada Nairobi khadka telefoonka kula hadashay Raxanreeb.
Agaasimaha guud
Wasiirada waxay sheegtay in wasaaradda haweenka ay tahay mid u taagan difaaca iyo adeegida haweenka Soomaaliyeed guud ahaan, ayna suurtagal ahayn in wasaaraddu raali ka noqoto wax kasta oo dhibaato ah oo lagu sameeyo hooyo Soomaaliyeed iyadoo tilmaantay in magacaabista agaasimaha guud ee loo magacaabay C/qaadir Yuusuf Daahir aysan ka warheyn.
“Agaasimaha guud markii la magacaabayey maan joogin, shakhsiyana qof aan horey isku naqaanay mahan, magacaabistiisana nalakama tashan oo lama dhihin ma la magacaabaa iyo lama magacaabo, laakiin si kastaba anigoo hadda dalkii ka maqan waxba kama oran karo” ayey tiri wasiirada iyadoo ka hadleysay magacaabista C/qaadir Yuusuf Daahir loo magacaabay wasaaradeeda.
Marwo Caasho waxay sheegtay in ay jeclaan lahaayeen in wasaarada loo magacaabo gabar agaasime guud ah, balse nasiib darro aysan taasi dhicin.
Marwo Caasho Geelle waxay dhanka kale tilmaantay in qorshaha wasaarada haweenka uu yahay mid cad oo la yaqaana oo aan ku jirin wax xadgudub ah iyadoo cadeysay in wasaaradu ayan marnaba xaqdaro iyo dulmi taageeri doonin.
“Anagu wasaaradda haweenka shaqadayada iyo qorshahayaga waanu naqaanaa, waana mid cad xadgudubna kuma jiro. Wasaarada haweenka waxay u shaqeysaa dumarka iyo carruurta, anaga horteena laguma sameyn karo wax xadgudub ah” ayey hadalkeeda ku sii dartay.
Faadumo Cali Xasan oo soo bandhigtay dhaawacyadii ay u geysteen ilaalada C/qaadir Yuusuf Daahir
Wasiiradu waxay ballanqaaday in marka ay ku laabato dalka ay bilaabeyso baaritaan la xiriira dhacdada Hooyo Faadumo Cali Xasan, iyadoo ka codsatay Faadumo Cali Xasan oo haweeneyda tacadiga loo geystay inay dacwadeeda u soo gudbiso wasaaradda haweenka si kiiskan loo raadraaco waxna loogu qabto.
Arintan ayaa ku soo beegmeysa iyadoo mudo 24 saacadood oo kaliya laga joogo markii Shabakadda Raxanreeb ay faafisay dhibaatada loo geystay Faadumo Cali Xasan oo ah 28-jir heysata 8 carruur ah kuna nool Boosaaso taasoo ay dhaawaceen ilaalada gaarka ee gudoomiye ku xigeenkii hore ee degmada Boosaaso C/qaadir Yuusuf Daahir haatana loo magacaabay agaasimaha guud ee wasaaradda haweenka Puntland arintaasi oo si weyn loo cambaareeyey.
C/qaadir Yuusuf Daahir oo ah masuulka dhibaatada laga tirsanayo
Dhanka kale shabakada Raxanreeb.com waxay goor dhow soo bandhigeysaa warqadii maxkamada derejada koowaad ee Boosaaso ay ugu yeertay C/qaadir Yuusuf Daahir mudo saddex jeer ahna uu ku gacanseyray inuu maxkamada ka tago kagana garbaxo haweeneyda masaakiinta ah ee dulmiga loo geystay.
Waxaana naga xusuusin ah in C/qaadir Yuusuf Daahier xiriiro aan la sameynay aysan suurtagalin illaa hadda.
HALKAN KA AKHRI SHEEKADA FAADUMO CALI XASAN
___________________________________________
RBC Radio
Raxanreeb.com
↧
Wasiirada Haweenka Puntland oo ka Hadashay Tacadigii loo Geystay Faadumo Xasan, Sheegtayna in Baaritaan degdeg ah lagu Sameynayo kiiskeeda
↧