Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all articles
Browse latest Browse all 54547

Gudoomiyaha Baarlamaanka Somaliya oo maanta dib ugu soo laabtay magaaladda Muqdisho.+Sawiro

$
0
0

Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Mudane Shariif Xasan Sheekh Aadan, ayaa wuxuu maanta uu dib ugu soo laabtay magaaladda caasimadda ah ee Muqdisho, kadib safaro dhaadheer oo uu dalka uga maqnaa.
Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya ayaa wuxuu warbaahinta uu kula hadlay magaaladda Muqdisho, markii uu maanta uu dib ugu soo laabtay, isla-markaana wuxuu sharaxaad uu ka bixiyay safaro uu dalka uga maqnaa.
Gudoomiyaha ayaa wuxuu sheegay in uu safaro kala duwan uu ku soo kala bixiyay Qaaradaha Yurub iyo Maraykanka, wuxuuna tilmaamay in uu la-soo kulmay masuuliyiinta wadamada uu booqday, isla-markaana wuxuu sheegay inay ka wada hadleen xaaladda dalka Soomaaliya.
Sidoo kale Mudane Shariif  Xasan Sheekh Aadan, ayaa wuxuu cambaareeyay qaraxii ka dhacay Xaruuntii Hargaha iyo Saamaha ee magaaladda Muqdisho, wuxuuna sheegay inay geysteen koox cadow ah.
Ugu dambeen Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya, ayaa wuxuu sheegay in wax laga qaban doono kooxda Shabaab, oo uu sheegay inay xasuuq u geysteen shacab masaakiin ah, oo weliba u badan arday iyo waalidiin.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 54547

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>