Hargeysa(OWN)- Guddida diiwaan-gelinta ururada siyaasadda, ayaa shir ay yeesheen waxa ay ku doorteen inuu guddoomiye u noqdo Cabdirisaaq Jaamac Cumar “Ciyaale” halka ay gudoomiye-ku-xigeenna u doorteen Aadan Geeddi Qayaad.
Siddan-na waxa lagu sheegay warsaxaafadeed kaas oo sidoo kale ay ku sheegeen in ay u doorteen Xoghayaha Guddida Cumar Xasan Axmed, halka Afhayeenka Guddidana loo doortay Xasan Axmed Ducaale “Xasan Macalin”.
Waxa ay guddidu tibaaxday in masuuliyiintan u doorteen qaab waafaqsan shuruucda dalka iyo xeer hoosaadka guddidaasi, isla markaana waxa ay xuseen in xubnaha kale ee Guddida diiwaan gelintu ay ka mid yihiin Cabdalle Ibraahim Maxamed, Maxamed Cabdi Maalik iyo Ismaaciil Cabdilaahi Cali.
Oodweynenews.com, Hargeysa Office
↧
Guddida Diiwaan-gelinta Ururada Siyaasadda Oo Doortay Guddoomiye Iyo Ku Xigeen
↧