Dagaalo xoogan ayaa waxay galabta ka soconayaan qeybo ka mid ah Gobolka Jubbada Hoose, iyadoo ay dagaaladu geysanayaan khasaarooyin kala duwan oo soo kala gaareysa dhinacyada dagaalameysa.
Dagaalada ayaa waxay ka soconayaan duleedka degmada Afmadow ee Gobolka Jubbada Hoose, wuxuuna uu u dhaxeeyaa Ciidamadda Dowladda oo garabsanaaya Ciidamadda Raaskambooni iyo kooxda Shabaab oo dhinac ah.
Dagaalada ka soconaaya duleedka degmada Afmadow ayaa waxay labada dhinac isku adeegsanayaan noocyada kala duwan ee hubka, waxaana la-soo sheegayaa in dagaaladu ay geysanayaan khasaarooyin kala duwan.
Wararka ayaa waxay sheegayaan in Ciidamadda Dowladda Somaliya iyo kuwa Raaskambooni ay Xoogaga Shabaab ka fir fircoon yihiin, hase ahaatee majirto wax goobo ah oo ay dagaaladu uga qabsadeen.
Shacabka ku dhaqan duleedka degmada Af Madow, ayaa waxay sheegayaan inay maqlayaan hubka cul culus oo ay si weyn iskugu adeegsanayaan Ciidamadda Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo Ciidamadda Shabaab.
Isha Wararka Xaqiiqda
HeeganTV Muqdisho
↧
Dagaalo qaraar oo galabta ka soconaaya Gobolka Jubbada Hoose iyo khasaaro.
↧