Wasiirka arimaha gudaha iyo amniga qaranka Soomaaliya ayaa maanta kormeer howleyd ku tagay goobihii ugu dambeeyay oo ay ciidamaad qalabka sida ka xureeyeen maleeshiyaadka shabaab .
Mudane C/Samada macaliim maxamuud wasiirka arimaha gudaha iyo amniga qaranka oo uu wehlinayay la taliyaha madaxweynaha Soomaaliya ee dhinaca Amiga qaranka C/Qaadir macallim Nuur ayaa waxa ay gelinkii dambe ee maanta soo kormeereen qaar kamid ah goobihii ugu dambeeyay oo ay ciidammada qalabka sida ka xureeyeen maleeshiyaadka nabad diidka ah ee al shabaab waxaana goobahaasi ka mid ah Warshadii hore ee baastada, Isgoyska Ex control Balcad, Isgoyska SOS, xaafadda huriwaa, saldhiga degmada hilwaa, stadium, Muqdisho iyo sidoo kale Saldhiga ciidamada booliska galbeed ee degmada dharkenley iyo wakaaladii hore ee hargaha iyo saamaha oo dhowaan dad badan oo Soomaali ah si barer ah ay ugu leysay kooxda shabaab.
Wasiirka ayaa warbixin ka dhageystay abaanduulaha ciidanka xoogga dalka G/C/kariim dhega badan waxa uuna tilmaamay in maalmaha soo socda magaalada muqdisho oo dhan laga xureyn doono maleeshiyaadka kooxda nabad diidka ah ee shababa islamrkaana sidoo kale la xureyn doono gobollada dalka.
Wasiirka arrimha gudaha iyo amniga qaranka mudane C/samad Macalim Maxamud oo isna saxaafadda kula hadlay isgoyska SOS ee Muqdisho ayaa rajo wanaagsan ka muujiyay in qorsheyaasha u dagsan saraakiisha ciidamad ku guuleysanm doonan oo ay xukuumadana gacan ku siin doonto wax walbo oo ay u bahdaan isagoo dhanka kale ka dalbaday shacbiga Soomaaliyeed inay dib ugu soo laabtaan guryahooda si ay ciidamdu u xaqiijiyana amnigooda.
Sidoo kale qaar ka mid ah dadkii ku sugnaa goobaha ay booqdeen wasiirka arrimah gudaha iyo xubnihii la socday ayaa waxa ay si diiran u soo dhaweeyeen guulaha ay ciidamada dowladda ka gaareen dhanka amniga.
Photo By:-Maxamed C/qaadir Daahir(MCD)
↧
Wasiirka Arrimaha Gudaha Iyo Amniga Qaranka Oo Maanta Kormeeray Goobihii Shalay laga Xoreeyey Maleeshiyada Shabaab…SAWIRRO
↧