Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all articles
Browse latest Browse all 54547

Golaha Wasiirrada Oo Maanta Kulan Ka Yeeshay Ammaanka Dalka…WARSAXAAFADEED

$
0
0

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Soomaaliya ayaa maanta waxa ay magaalada Muqdisho ku yeesheen kulan looga hadlayey xaalada Dalka gaar ahaan dhinaca Amniga kulankaasi oo uu shir gudoominayey Ra’isulwasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Mudane C/weli Maxamed Cali waxaana waxyaabihii looga hadlay kulanka kadib laga soo saaray Warsaxaafadeed.
War-Saxaafadeed
Shirka Golaha Wasiirada
Muqdisho, 11 October 2011

Shir ay maanta yeesheen Golaha Wasiirada oo uu shir-guddoominayey Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Dr Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa looga hadlay arrimo dhowr ah oo ay ka mid yihiin warbixin safarkii Ra’iisul Wasaaraha, Qaraxii 4ta October,Qorshaha Qaranka ee Xasilinta Nabadgelyada (NSSP) iyo arrimaha badda.
 
Golaha Wasiirada waxey maanta warbixin ka dhageysteen Ra’iisul Wasiiraha Soomaaliya Dr Cabdiweli Maxamed Cali ee safarkii shaqo ee uu ku tagey Qaramada Midoobey, Mareykanka, Canada, Denmark iyo Ethiopia. Ra’iisul Wasaarahu waxuu sheegay in safarkan uu ahaa mid guul iyo isafgarad ku soo dhamaaday oo caalamku ay aad ugu qanacsanaayeen horumarka dhanka amniga, gar-gaarka bani’aadanimo, xiriirka Dowladda Federalka iyo Maamulada dalka ka jira, dib-u-heshiisiinta iyo maamul wanaaga. Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in caalamku ay aad ugu soo gurmadeen arrimaha gar-gaarka bani’aadanimo, hase yeeshee uu caalamka kala soo hadlay sidii xal waara loogu heli lahaa oo ummadda soomaaliyeed loo soo gaarsiin lahaa mashaariic horumarineed oo soo celiya adeegyadii bulshada iyo nolol maalmeedkii shacabka soomaaliyeed. Ra’iisul Wasaaruhu waxuu sheegay in loo baahanyahay in Roadmap kii 6da September ay Soomaalidu saxiixdeen la dhaqangeliyo.
 
Wasiir Ku xigeenka Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka iyo qubaro Soomaaliyeed ayaa laga dhageystay warbixin la xiriirta qabyo qoraalka Qorshaha Qaranka ee Xasilinta Nabadgelyada (NSSP), dood dheer ka dib waxaa la go’aamiyey in qabyo qoraalka lagu soo sameeyo saxitaan iyadoo la tixgalinayo macluumaadkii iyo fikradihii goobta laga soo jeediyey, isla markaana la soo ururiyo fikradaha Saraakiisha Soomaaliyeed, ka dibna wadatashi loogu gudbiyo ka soo qeybgalayaashii shirkii wadatashiga ahaa. Qabyo qoraalka Qorshaha Qaranka ee Xasilinta Nabadgeyada (NSSP) ayaa lagu soo celin doonaa golaha wasiirada si ay u ansixiyaan ka dibna loogu gudbiyo Baarlamaanka Soomaaliyeed.
 
Wasiirka Kalluumeysiga, Qeyraadka Badda iyo Bey’ada iyo qubaro Soomaaliyeed ayaa laga dhageystay warbixin la xiriirta arrimaha Badda. Dood dheer ka dib golaha Wasiiradu waxey go’aamiyeen in arrimaha badda sida EEZ laga saaro dhammaan dokumentiyada sida Qorshaha Qaranka ee Xasilinta Nabadgelyada iyo Roadmapka.
 
Wasiirka Garsoorka iyo Arrimaha Diinta ayaa sheegay inay wadaan dadaalo ay kula xiriirayaan eheladii iyo qaraabadii dadkii ku geeriyooday iyo kuwii ku dhaawacmay, si warbixin dhameystiran ay ugu soo gudbiyaan golaha wasiirada, sheegayna in Dowladda Turkiga ayaa qaaday 36 ka mid ah dhaawacii. Wasiirku waxuu sheegay inay arrimahooda u marayaan heer wanaagsan una mahadceliyey shacabka soomaaliyeed oo si wanaagsan ula shaqeeyey. Golaha Wasiiradu waxey kaloo go’aamiyeen in 8dii wasaaradood ay dib u howlgalaan loona saaray guddi ka soo talo bixiya 3 maalmood gudahood, iyagoo sheegay inaysan Al-Shabaab marnaba laga aqbaleynin inay hakad geliyaan u adeegidda shacabka Soomaaliyeed.
 
- DHAMAAD -
 


Viewing all articles
Browse latest Browse all 54547

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>