Madaxwaynaha Maamulka Woqooyi Bari Somaliya ee PL C/raxmaan Faroole ayaa maanata soo Gaadhay Magaalada Nairobi ee Caasimada dalka Kenya waxana la sheegay inay safarkiisa ku weheliyaan qaar ka mid ah Saraakiisha Aqalka Madaxtooyada walow aanan helin Magacyadooda.
Sida ay GalGalanews u shaacisay Horay Madaxwaynaha ayaa ku soo Jeedaa dalka UK Gaar ahaan Magaalada London uu kaga qayb Galayo Shir arrimaha Budhcada Looga hadlayo halkaasi oo hadal laga siiyay Maamulka PL inuu ka Jeedo.
In kastoo ay Jiraan abaabul ay wadaan Jaaliyada PL ee Uk ee ah Soo dhawaynta iyo La kulanka Madaxwaynaha hadana Safarkiisa ayaa ah mid aad salka ugu hayo inuu iska Rogo eedaymaha badan ee ah Inay PL badhi taarto Budhcada Badeeda.
Horay waxa London dhawaan Shir ugaga qayb Galay Arrimaha Budhcada Looga hadlayo Agaasimaha Guud ee La dagaalanka Budhcad badeeda PL u qaabilsan C/saaq Maxamed Dirir Ducaysani.
Source GalGalanews.com
↧
M.Faroole oo Kenya Soo Gaadhay
↧