Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all articles
Browse latest Browse all 54547

Ergeyga Midowga Afrika u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya Mr. Jerry John Rawlings oo Muqdisho soo gaaray.

$
0
0

Waxaa maantay caasimada magaalada Muqdisho soo gaaray Wakiilka Midowga Afrika ee arrimaha Soomaaliya, Mr.Jerry John Rawlings oo ah madaxweynihii hore ee dalkaGhana, iyadoo lagu wado in uu kulamo la yeesho saraakiisha ciidamada midowga Afrika ee AMISOM iyo madaxda dowladda KMG Soomaaliya.
Wararka ayaa tibaaxaya in Jerry Rawlings uu tagayo xarunta madaxtooyada ee Soomaaliya, si uu ula kulmo madaxda dowladda KMG, sida madaxweyne Sheekh Shariif, Ra’iisul wasaare C/weli Gaas, iyo iyo guddoomiyaha Baarlamanka KMG Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan.
Sidoo kale waxaa la filayaa inuu kulamo qarsoodi ah la yeehso Saraakiisha AMISOM oo howlgalada ka wada magaalada Muqdisho.
Wakiilka Midowga Afrika ee arrimaha Soomaaliya ayaa maanta sidoo kale booqanaya xeryaha dadka barakacayaasha ee magaalada Muqdisho sida warku sheegayo.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 54547

Trending Articles