Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all articles
Browse latest Browse all 54547

Xildhibaan Katirsan Barlamanka D.Puntland Oo Shilgaari ku Geeriyooday.

$
0
0

Galkacyo(Puntlandi.com);- Inaa lilaahi wa inaa ilayhi rajicuun waxaa dhilgaari ku geeriyooday ala ha u raxmadee Cabdullaahi Cabdi Maxamed Farasle oo katirsanaa xildhibanada Barlamanka Dawlada Puntland.
Shilka gaari ayaa ka dhacay agagarka Besha Bacadwayn sida uu warfidiyeenada u xaqiijiyay xildhibaan C/wali Muusa Shire oo kamida mudanayasha Barlamanka Dawlada Puntland.
Xildhibaan Dhamuuke ayaa sheegay in Cabdullaahi Cabdi Maxamed Farasle oo ka soo kicitimay Degmada Xarfo ee G.Mudug waxaana uu sheegay in uu ku siijeeday magalada Galkacyo ee xarunta Gobolka Mudug.
Gudomiyaha Degmada Xarfo ayaa sheegay in Xildhibaanka geeriyooday malmihii udanbeeyay ku sugnaa Degmada waxaana uu intaa raaciyay in shilka gaari uu ka dhacay halka lagu magacaabo Ceel Abaar.
Gudomiyaha ayaa sheegay in Gaarigiisii uu shilka lagalay Xildhibaanka waxaana uu sidoo carabaabay in wiil yar oo adeer uu u ahaa xildhibaanka geeriyooday oo Gari la saarnaa dhawac fududna soo gaaray.
Gudoonka Barlamaanka Puntland iyo Golaha wakiilada ayaa tacsi udiray guud ahaan Ehelada iyo asxaabtii uu ka geeriyooday Xildhibaanka.
abdullaahi Cabdi Maxamed Farasle ayaa aqalka Golaha wakiilada Puntland ku soo biiray (2010) waxaana uu badalay oo booskiisii uu galay Ibraahim Cilmi Gaab oo Garowe lagu dilay.
Inkastoo Tarikhdiisa oo dhamaystiran aanan helin hadana waxaa la xusay in uu ahaa aqoonyahan cilmiyo badan bartay mudana ku sugnaa dalka dibadiisa gaar ahaan Kenya.

Ali Ahmed Abdi
Ali@puntlandi.com


Viewing all articles
Browse latest Browse all 54547

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>