Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all articles
Browse latest Browse all 54547

“Boqashadeena Puntland Waa Xoojinta Xiriirka Labada Dawladood”Eng Yariisaw.

$
0
0

Galkacyo(Puntlandi.com);- Afhayeenka Xukumada Somaliya ahna Lataliyaha Raysalwasaaraha ee dhinaca warfaafinta Eng.C/raxmaan Cumar Cismaan Yariisaw ayaa waraysi uu siiyay wakaalada wararka Puntlandi.com kaga waramay ujeedada dhabtaa ee ka danbaysa boqashada ay ku yimaadeen deganada Puntland.
Egn.Yariisaw ayaa sheegay in imaatinkooda Puntland uu dabayaalo boqashooyinkii ay ku yimaadeen Puntland Madaxwaynaha iyo Raysalwasaraha Xukumada Somaliya waxaana uu sheegay in taa ay soo celinayso rajada umada somaliyeed ee dihaalka badan uqabta soo labashada Dawladii iyo kaladanbayntii dalka lahaa.
Ujeedada safarka ayuu ku tilmaamay afhayeenka Xukumada xoojinta xiriirka labada mamul waxaana uu sheegay in kulamadooda u horeeya ay laqadanayaan Madaxda sare ee Dawlada Puntland.
Waxaa uu sheegay in muhiimada 1aad ay tahay sidii si toosa looga wadashaqayn lahaa amaanka guud ee dalka Somaliya madama dhibatada amaandaro ay samaysay guud ahaan dalka somaliya.
Egn Yariisaw ayaa sheegay in ay dajinayaan qorshe midaysan oo dhinaca amaankaa waxaana uu sheegay in kulamo arimaah looga hadlayo ay laqadanayaan madaxda Puntland.
Waxaa uu sheegay in sido kale ay kulan kaa lamida laqadanayaan hogaamiyayaasha Culimada Ahlusuna kaa oo looga tashanayo sidii ay siyaasad midaysan oo dhinaca amaanka ay laqaataan xukumada Somaliya.
Ugu danbayn waxaa uu sheegay in malin ay ku sugnaanayaan Garowe inta ka hartay boqshadoodana ay ku dhamaysanayaan magalada Galkacyo ee xarunta Gobolka mudug.
Puntlandi.com Galkacyo.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 54547

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>