Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all articles
Browse latest Browse all 54547

Qorshaha Turkiga iyo Diidmada Cabdiweli & Faroole

$
0
0

Ra’iisal wasaaraha dalka Turkiga Recep Dayib Erdogan iyo wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo ayaa 19 August 2011ka degay magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka Soomaaliya asaga oo xambaarasan risaalad qoto dheer ee ku wajahan sidii dalka Somali looga saari lahaa colaada,dagaalada iyo dowlad laáanta Somalia,ra’iisal wasaaraha Turkiga Erdogan waxaa Muqdisho ku soo dhaweeyay dowlada federaalka madaxdeeda iyo indheergaradka Muqdisho, waxaa qeyb ka ahaa wafdigaa masuuliyiin ka tirsan dowlada dalka Turkiga Engeneero,ganacsato iyo saraakiil ka tirsan dowlada Turkiga.
R/wasaaraha Turkiga qorshahii siyaasadeed uu la yimid dalka waxuu noqday mid laga biyo diido lagana doorto in siyaasada USA oo ah tan dabda ka riixeeysa in ciidamada AU lagu soo daabulo oo laguna soo badiyo Somali si aay u xasiliyaan dalka Somalia aay tahay riyo ku maldahan gumeeysi xoriyada umada Somali lagu luminaayo iyada oo la adeegsanayo aragtida siyaasadeed iyo mida maskaxeed ee ah slow but sure degrees oo xaqiiqdii lagu macneeyo :Aayar qorshaha u wada laakiin gunta waa marka la gaaro darajada ah in aay ogol yihiin in la gumeeysto qabsada, taas oo runtii ah mida hada aay ku socdaan somalia,diyaarna aay u yihiin Shariif iyo Cabdiweli iyo Faroole maadaama aay noqdeen kuwa saamiqeeybsi dowladeed ku heshiiyay (Shareholder).Somalida inteeda kalene aayan ka damqan saami-qeeybsigaa.Ma xalbaa mise waa Xaqaro garb og ?? Ma cadaalaa mise waa cadaalo-daro ??
Yaa diidan risaalad Turkiga ee Somalia ??
Di un poco di coscienza, nessuno può far senza
Waxaa marna shaki ku jirin in R/wasaare Cabdiweli iyo Faroole aay yihiin kuwa wada shaxda guracan ee siyaasadeed oo loogu hortagayo risaalada dowlada Turkiga ,waxaa umada aay ogtahay in safarkii Cabdiweli ee uu ku tagay UN ka ka dibna ku soo gabagabeeyay dalka Ethiopia in uu ahaa qorshe lagu dhabar jibinaayo qorshaha Turkiga ee uu ka damacsan yahay dalka Somalia, Zanawi iyo Cabdiweli waxaa aay ilaa 4 cisho ka wada hadlaayeen shaxada iyo sidii dowlada Turkiga loogu qancin lahaa in aay ku ekaadaan arimaha gargaarka oo kaliya halka dowlada Turkigana hadafkooda uu ka weeyn yahay arimaha gargaarka balse aay damacsan yihiin in arimaha gargaarka iyo dib u dhisida dalka Somalia in aanan marna looga maarmin in wax laga qabto siyaasad fooshaxun oo aay hormuudka ka tahay USA, AU aay tahay adeege loo adeegsanayo in dalka Somalia uusan marna lugahiisa ku istaagin, waxaa uu Erdogan si cad u sheegay in gargaarka iyo soo celinta nabada Somalia aay tahay mida aay kala tashanayaan caalamka kuwiisa jecel in Somalia aay ku soo noqoto nabad iyo dowladnimo, Erdogaan marna ma ogola in ciidamada AU uu magan u noqdo, waxaa uu balan qaaday in gargaarka dowlada Turkiga uu tagi doono meel-walba oo koonfurta ah waxaana gargaarkaa ilaalin doona ciidamada Turkiga, Erdogaan waxuu xiligaan wadahadal kula jiraa dowladaha Islaamka ee daneeya Somali.
Madaxweyne xigeenka dawlada goboleedka Puntland Jen. Cabdisamed Cali Shire iyo xeeyn wasiiro ah ayaa mudooyinkii u danbeeyey ku sugnaa magaalada Addis-Ababa oo aay u tageen arimo aay ka mid yihiin taageerida shaxda ku wajahan taageerida Cabdiweli iyo dhaleeceeynta Turkuga arimaha siyaasada Somalia uu ka damacsan yahay, waxaa leeysla qaatay in Puntland aay yimaadaan ciidamada Ethiopia si caalamka loo qaldo laguna tilmaamo in aay ciidamada Ethiopia aay yihiin ciidamo AU ka mid ah , UN kana ku dhiirogeliyay soo dhameeystirka ciidamada dowladaha Afrikaanka aay balan qaadeen, sabbabta Puntland loo geeynaayana aay tahay la dagaalanka burcadbadeedka xeebaha Somalia, Faroole oo hada jooga London kana qeeyb gelaaya shirka looga hadlayo burcadbadeedka Somalia ayaa qalinka ku duugay manta inta uusan ka dhoofin Garowe kuna qancay maadaama doorashada Puntland aay soo dhawdahayne in baarlamaanka Puntland uu u kordhiyo Faroole xilka madaxweeynaha ujeedkana aay tahay in la gaaro 2012 August, xiligaa oo aay ugu ek-tahay Shariif xilka madaxweeyne ee dowlada ku meelgaarka ah.
Inta danaha Puntland laga shaqeeynayo ilma aha in aay soo dhawdahay Qaranimo Somali, double moral oo ah lugta jecli, lafta jecli sabbabta oo ah Cabdiweli iyo Faroole waxaa aay ka shaqeeynayaan danaha Puntland oo kaliya qiimakasta haku qaadatee, dad xishoodaa maaha Somali oo dhan ayaa arkeeysa xataa haddii dalka intiisa kale gumeeysi qaato diyaar ayeey u yihiin. Teeyda anaa leh Taadana kula lehi. La mala erba non muore mai.
Meles Zenawi wuxuu UN ka ka sheegay in xukuumada Somaliya ay awoodi waday inay tababar siiso ciidamadeeda bada iyo beriga si ay u yaraadaan dagaalada kaga imaanaya mucaaradka ka horjeeda iyo burcadbadeedka , Zenawi ayaa ku booriyey beesha caalamka in la abuuro wadooyin ay kaalmadu marto si loo caawiyo dadka ku tabaalysan Soomaaliya, Zenawi ayaa ku nuux nuuxsaday in ay lama huraan tahay in dadka abaaruhu wax yeeleen lagu caawiyo meeshooda si loo yereeyo dadka qaxaya, intaba waxaa kuu cad akhristow in Zanawi uu bisleeynaayo raashinki uu cuni lahaa.
Alow Sahal Umuuraha.
Dr.Ali.A.Hirabe
Hirabe_a@hotmail.com


Viewing all articles
Browse latest Browse all 54547

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>