Quantcast
Viewing all articles
Browse latest Browse all 54547

Ha taaban kursiga

Maqaal: Ha taaban kursiga.
Dr. C/fataax Warsame Maxamed (Bayle)
Bayle201@hotmail.com
Oktoobar 14 2011
Dr.C-fataax Warsame Maxamed (Bayle)
Laga soo bilaabo sanadihii shacabka iyo dawaladdii soomaaliyeed ay u soo banana bexeen inay arkaan awooda qabiilka, fawdada iyo dawlad la’aanta oo ku beeggan 1991kii iyo sanadahii kadan beeyay ee dadka soomaaliyeed ay muteen dhibaatada faraha badan oo aanan doonayan inaa halkaan kaga hadlo, ayaa waxaan jirin jaggo (saldano ama kurisi) banana oo dhamaan dalka oo dhan miyi iyo magaaglaba waxaa buuxshay maamulo cusub, haddaan ka bilaabo nabadoono, ugaasyo(garaado), wasiiiro, xubno baarlamaan ilaa madaxawayne way jireen oo meel banaani ma jirin.
Maamuladaa jiray dhamaantood waxay ku salayasnaayeen ama unug u ahaa qabiil oo tuulo, dagmo ama magaalo wayan oo kasta waxaa buuxshay rag aygu sheeganayay inay beesha halkaas dagan ka soo jeedaan oo ay ayagu xaq uleeyihiin inay maamulaan, meelaha qaarkood oo aan badnayan ayaa waxaa ka jiray beelo ayagu wadda daga oo hadana danta iyo waqtigu ay raali ka dhigeen oo aygu samaystay maamul u qaybsan sida Puntlad iyo Somaliland ama labo maamul oo iska dhinac dhisan oo aysan beelina beel xukumin sida Puntland iyo Galmudud.
Sababtu waa maxay?
Jawaabtu waa mid aad u fudud oo qof kasta qalbigiisa ku soo dag dagaysa, waxaa sababay maamuladaas baahi dadka soomaaliyeed ay u qabeen maamul iyo dawalda oo durba(isla markiiba) markii dawaladii soomaaliyeed ay meesha ka baxaday waxaa dadkii dareemay dhibaatada maamul la’aanta iyo dawlad la’aanta taas ayaan ku qasabtay inay sameeyaan maamulo qabiil ku salaysan.
Waxay ka soo bilaabatay hoos iyo qolo walba meesha ay dagto inay samaysato odayaal dhaqameedyo dadka kala gura(ku dhex jira arimahaada), odayadaas ayaga oo aan lahayan wax dastuur ah ama sharci ah oo u qoran, haddan dadka ayey kala hagi jireen ayga oo aad ugu dhaganaa dhaqanka iyo caadooyinka, inta badana waxa ay la kulmi jireen dhibaatooyin fara badan, waxayna kaga gudbi jirren dulqaad iyo samir fara badan oo ay caan ku yihiin odayaasha dhaqanka soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan.
Waxay aad ugu hawlaan jireen(uga shaqayan jireen) dhibaha kala gaara beesha dhexdeeda iyo beelaha ku hareeraysan sida dilka oo mag ama qisaas(in la dilo qofkii wax dilay) ay hadba kay door moodaan ku ka xumi jireen iyo sidoo kale dhaca, kufsiga iwm.
Arintaa qolo qolada ku dhisan waxay isu badashay maamulo sidoo kale ayana qabiil ku dhisan oo ay sameeyeen qabqablayaal, culmada diinta iyo siyaasinii isu tagtay oo aygun waxay wax kasoo bilaabeen qoyas iyo beel waxayna hir galiyeen dhaqan markaas ku cusbaa dadka soomaaliyeed laakiin maanta ka mid noqoday dhaqamada soomaaliyeed noqdayana kuwa loogu aqoonta badan yahay waxaana lagu magacaabaa awood qaybsi qabiil.
Awood qaybsi qabiil.
Awood qaybsi qabiil waa dhaqan cusub oo si wayan uga hirgalay dalka soomaaliyeed gabi ahaantiis, qaabka uu yahay iyo sida loo isticmaalan uma baahna in sharax badan laga bixiyo waa qabiil iyo qabyaalda lagu saleeyay wax qaybsi kaas oo ay san marnab ka maqnayan is yasid iyo is quursi xun.
Hadaba maamul goboleedka Puntland oo hadda 13 jirsaday ayaa aasaaska ama unuga siyaasadiisu wali waxay tahay mid ku salaysan awood qaybsi qabiil oo aan wali laga gudbin waliba ay ka muuqato cadaalad daro ay aad u dareemeen dadkii ka soo jeeday qabiilada maamulka wada samaystay, kuraasta qaarna beelaha qaarkood ma baatan karaan sida madaxwaynaha.
Meeshii awoowgaa kasoo jeeday salka saar.
Aritaan ayaa ah mid ay dad badan oo dalka iyo dadka wax uqaban lahaa ay ku waayeen meel ay wax ka qabtaan iyo qaab ay dadka soomaaliyeed ugu shaqeeyaan…………………………………..

La soco qaybta 2aad todobaadka danbe.

Dr. C/fataax Warsame Maxamed (Bayle)
Bayle201@hotmail.com
Tel. 254713521856
Nairobi Kenya.
=============================================
QORAAGA AYEY U GAAR TAHAY FIKIRKAAN AMABA MAQAALKAAN LOOMAMA FASIRAN KARO TAN RAXANREEB.COM CIDII RABTA IN AY MAQAAL AMA FIKRAD U SOO DIRTO RAXANREEB WAXAA LOOGU SOO HAGAAJIN KARTAA ADMIN@RAXANREEB.COM


Viewing all articles
Browse latest Browse all 54547

Trending Articles