Quantcast
Viewing all articles
Browse latest Browse all 54547

Markabkii Ugu Horeeyey Oo Lubnaan Xoolo Uga Qaada Dalka Oo Dekedda Boosaaso Ka Ambabaxay…SAWIRRO

Markab nooca xamuulka qaada ayaa gelinkii dambe ee maanta xoolo ka
qaaday dekadda Bosaaso kuwaas oo la geyn doono dalka Lubnaan markii u
horeysay.
Gudoomiyaha Maxjarka Maxamed Faarax Maxamuud oo Saxaafada kula hadlay
dekadda Bosaaso ayaa sheegay in markabkaan uu ka yimid dalka Lubnaan
isla markaana ay noqonayso markii u horeysay oo Xoolo laga qaaday
dekadda Bosaaso loo dhoofiyo dalka Lubnaan.
Talaabadan ayaa timid siduu sheegay kadib dadaal fara badan la
sameeyey ku guuleysteen in Dowladda Lubnaan ay ogolaato in dalkeeda la
keeno Xoolaha Soomaaliyeed.
Gudoomiyaha Maxjarka ayaa ugu baaqay dhamaan ganacsatada in ay ka
faa’ideystaan fursadaan isagoo tilmaamay in ay rajeynayaan dalal ay
kamid tahay Jordan oo xudduud la leh Lubnaan ay iyana bilawdo in ay
xoolo ka qaadato Soomaaliya.
”Waxaan aad ugu faraxsanahay arintaan oo ah mid taariikhi ah,waxaana
ugu baaqaya dhamaan ganacsatada in ay ka faa’ideystaan
fursadaan.waxaan rajeynaynaa dalka Jordan ee xuduud la leh Lubnaan in
ay iyana howshaan bilawdo”,ayuu yiri.
Shirkada Somali Livestock ayaa fududeysay howshaan lagu dhoofinaayo
xoolaha ee la geynaayo dalka Lubnaan siduu sheegay Gudoomiyaha
Shirkada Cumar Ismaacil Waaberi oo la hadlay Saxaafada.
Waxaa uu xusay in safaro badan ay ku tageen dalka Lubnaan oo ay kala
hadleen masuuliyin kala duwan arinta ku saabsan dhoofitaanka
xoolaha,markii dambana lagu guuleystay in ay aqbalaan codsiga ay u
gudbiyeen.
Duqa magaalada Bosaaso Xassan Cabdalla oo isna ka hadlay madasha ayaa
soo dhoweeyey talaabadaan kuna tilmaamay mid muhiim ah,waxaana uu ka
codsaday ganacsatada in ay dardar geliyaan howlahooda oo ay sii wadaan
horumarka.
Kabtanka Markabka oo goobta hadalo ka jeediyey kuna hadlay luuqada
Carabiga ayaa sheegay in ay ku faraxsanyihin imaatinka Soomaaliya gaar
ahaan dekadda Bosaaso,wuxuuna xusay in bishii labo jeer ay xoolo ka
qaadi doonaan dekadda.
Dhaqaatiir u dhashey dalka Masar ayaa ka qayb qaatay baaritaanka
caafimaad ee lagu sameynayay xoolaha maanta la dhoofiyey,waxaana ay
tilmaameen in Xoolaha Soomaaliyeed ay yihin kuwa intooda badan
caafimaad qaba oo Cuduro ay filayeen in laga helo ka waayeen.
Dhanka kale Gudoomiyaha Maxjarka ayaa shaaciyey in Dalka Masar dhowaan
loo dhoofin doono xoolo isla markaana markab qaadi doona xoolahaas
maalmaha soo socda kusoo xiran doono dekadda Bosaaso.
Xoolaha uu markabka qaaday ayaa isugu jira ari iyo l’o laga keenay
gobolada dalka,waxaana ay tiro ahaan gaarayaan 4,500-neef.
Shirkada dhoofsanaysa ayaa lagu magacaaba Al-Jaabur oo xarunteedu
tahay magaalada Beirut uuna iska leeyahay maalqabeen u dhashey dalka
Lubnaan.
Tani waxay noqonaysa talaabo horumar leh oo ay higsadeen maamulka
maxjarka maadama xoolaha oo keliya loo dhoofiyo wadamada
Khaliijka,waxayna kusoo beegmaysa xilli ay soo dhowdahay waqtiga
xajka.











Photo By:-Ayuub C/raxmaan
 
 


Viewing all articles
Browse latest Browse all 54547

Trending Articles