Ugaas Cabdirashid Ugas Rooble
Borama(Saylac.com) Wafti balaadhan oo oday dhameedyo ah uuna horkacayo Ugaaska beelaha Gadabuursi Ugaas Cabdirashid Ugaas Rooble ayaa lagu wadaa in maalmaha inagu soo fooleh ay socdaal ugu baxaan magaalada Saylac ee gobolka Selel. Socdaalka Ugaaska iyo waftiga uu horkacayo ayaa sida la sheegay ah mid dhaqan soo jireen ah isla markaana Ugaasku uu ugu kuur galayo xaalada nololeed iyo dhaqaale ee dadyowga ku dhaqan magaalada Saylac iyo nawaaxigeeda.
Sida aanu wararka ku helay waftigan oo ay weheliyaan madax dhaqameedyo farabadan oo kasoo jeeda beelaha Gadabuursi ayaa waxa ay soo mari doonaan magaalooyin dhawra iyo degaanada abaaruhu ka taagan yihiin ee xeebta gobolka Awdal iyo Selel.
Dhinaca dhaqdhaqaaqa imaatinka Ugaaska ayaa si weyn looga dareemay magaalada Saylac iyo magaalooyinka kale ee uu Ugaasku sii mari doono oo ay ugu horeyso magaalada Boon .
Wararka intooda kale iyo socdaalka Ugaaska iyo Waftiga uu horkayo kala soco saylac.com
Saylac.com Borama Somaliland
↧
Ugaaska Beelaha Gadabuursi iyo wafti uu hogaaminayo oo safar ugu bixi doona magaalada Saylac.
↧