Mogadishu – GMN – Daryan culus, ayaa mar qura laga maqlay gudaha Magaalada Muqdisho ka dib markii uu qarax weyn ka dhacay agagaarka Isgoyska Soobe, halkaasi oo ay marayeen kolonyo ciidan ah.
Waxaa jira khasaare aan ilaa iyo hadda la haynin tiro ahaan, balse dhimashada iyo dhaawaca ayaa iminka la kala saarayaa, waxaana gubanaya mid ka mid ah gawaarida tiknikada ee ay Ciidanku wateen.
Waxaa gabi ahaanba xiran wada isku xirta Soobe ilaa Isgoyska Banaadir, halkaasi oo ciidamo badan oo ka tirsan Dowladda KMG ay isku gedaameen.
Lama oga qaraxa waxa uu ahaa, balse goobjoogayaasha ayaa ku waramaya inuu u ekaa mid wadada dhinaceeda ku aasnaa.
Wixii kusoo kordha kala soco Gedo Online
Gedoonlinenews@gmail.com
↧
Qarax Culus Oo Ruxay Muqdisho
↧