Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all articles
Browse latest Browse all 54547

Wararkii ugu dambeeyay qarax xoogan oo maanta ka dhacay Muqdisho iyo Xildhibaan dhaawac culus loogu geystay

$
0
0

Wararkii ugu dambeeyay qarax xoogan oo maanta ka dhacay magaaladda Muqdisho, ayaa waxay sheegayaan in lagula beegsaday Xildhibaan Maxamed Caanood oo ka tirsan Xubnaha Baarlamaanka Soomaaliya.
Xildhibaanka ayaa waxaa la-sheegay in uu ka soo baxay gurigiisa oo ku yaalla degmada Hodan ee Gobolka Banaadir, isla-markaana xilli uu saarnaa gaarigiisa, ayaa waxaa qarax lagula beegsaday wadada Magool oo aadda Cisbitaal Digfeer ee degmada Hodan ee Gobolka Banaadir.
Wararka ayaa waxay sheegayaan in qaraxa lala beegsaday Xildhibaan Maxamed Caanood, in uu wax-yeelo xoogan ka soo gaaray Xildhibaanka iyo laba ruux oo kale, iyadoo uu burbur xoogan uu soo gaaray gaariga Xildhibaanka.
Wararka ayaa waxay intaasi ku darayaan in Xildhibaan Maxamed Caanood uu ka burburay mid ka mid ah labadiisa lugood, halka dhaawaciisa iminka lagu daaweynaayo Cisbitaalka Banaadir ee degmada Hodan ee Gobolka Banaadir.
Dowladda Soomaaliya ayaanan weli ka hadlin dhacdadaan, laakiin waxay sheegtay in saacadaha soo socda ay u soo bandhigi doonto bahda Saxaafadda, laakiin maysan sheegin waqti gaar ah.
Majirto cid sheegatay inay iyadu ka dambeysay qaraxaan, laakiin 4-tii bishaan ayay ahayd, markii Xarakada Al Shabaab ay qarax xoogan ku ruxday Xaruuntii Hargaha iyo Saamaha ee magaaladda Muqdisho.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 54547

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>