Quantcast
Viewing all articles
Browse latest Browse all 54547

Kooxo hubeysan oo maanta dillay seddex ruux iyo kooxahaasi oo cagaha wax ka dayay

Kooxo hubeysan ayaa waxay maanta seddex ruux ay ku dilleen magaaladda Qardho ee Gobolka Karkaar ee deegaanada Puntland, iyadoo sababaha loo-dillayna ay tahay aano qabiil.
Seddexda ruux ee maanta lagu dillay magaaladda Qardho, ayaa waxay ka tirsan yihiin dadka ku dhaqan magaaladda Qardho, waxaana la-sheegay in loo-dillay aano qabiil, oo ay horey u galleen kuwo ay isku qabiil yihiin kuwii maanta la-dillay.
Kooxaha dilka geystay ayaa waxaa tiradoodu lagu sheegay seddex nin, oo watay seddex qoryo oo AK47 ah, isla-markaana markii ay dilka geysteen ayaa waxaa la-sheegay inay iskaga baxsadeen goobihii ay dilka ka geysteen.
Xaaladda magaaladda Qardho ayaa waxay maanta tahay mid aad u kacsan, iyadoo goobta uu dilku ka dhacay ay iskugu soo baxeyn boqolaal ka tirsan shacabka ku dhaqan magaaladda Qardho.
Inkastoo uusan Maamulka Puntland arintaan ka hadlin, ayaa waxay hadana dadka ku dhaqan magaaladda Qardho ay Maamulka Puntland ugu baaqeen, in uu si deg deg ah wax uga qabto seddexda ruux ee maanta lagu dillay magaaladda Qardho.
Wixii kusoo kordha kala soco wararkayna dambe.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 54547

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>