Raa’isal Wasaaraha Soomaaliya ayaa wuxuu galabta uu ka hadlay dhaawac culus oo uu maanta soo gaaray Xildhibaan ka tirsan, Xubnaha Baarlamaanka ee Dowladda Soomaaliya.
Raa’isal Wasaaraha Dowladda Kmg ah ee Soomaaliya Mudane C/Wali Maxamed Cali Gaas, ayaa wuxuu ka hadlay qarax xoogan oo maanta lala beegsaday Xildhibaan Maxamed Cali Cumar “Caano Nuug”, oo ka mid ah Xildhibaanada Somaliya.
Raa’isal Wasaaraha Soomaaliya ayaa wuxuu sheegay in arintaan ay tahay mid waxyeelo loogu geysanaayo masuuliyiinta Dowladda Soomaaliya iyo dadka wax-gal ah ee bulshada Somaliyeed.
Raa’isal Wasaare Gaas ayaa wuxuu arintaan uu ku eedeeyay inay ka dambeysay Kooxda Shabaab, isagoo sheegay in Dowladda Somaliya ay jawaab ka bixin doonto, qaraxa maanta lala beegsaday Xildhibaan Caano Nuug.
Xildhibaan Caano Nuug ayaa waxaa soo gaaray dhaawac culus, waxaana ka go’day lugta bidixda ah oo ay maanta ka soo gaartay dhaawac culus, iyadoo maanta lagu sameeyay qaliin deg deg ah oo wax looga qabanaayo xaaladiisa caafimaadeed.
Ilaa iyo iminka majirto koox sheegatay inay ka dambeysay qaraxa xoogan ee maanta lala beegsadan Xildhibaan Maxamed Cali Cumar “Caano Nuug”, oo ka tirsan Xubnaha Baarlamaanka Soomaaliya.
↧
Raa’isal Wasaaraha Somaliya oo galabta ka hadlay qaraxa dhaawaca culus loogu geystay Xildhibaan Caano Nuug
↧