Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all articles
Browse latest Browse all 54547

Wasiirka Gaanshaandhiga ee Dowladda Somaliya oo maanta dalka ku soo laabtay iyo warbaahinta oo uu la-hadlay

$
0
0

Wasiirka Gaanshaandhiga Soomaaliya ayaa wuxuu maanta uu dib ugu soo laabtay magaaladda caasimadda ah ee Muqdisho, markii uu safar kaga yimid Gobolada Dalka Maraykanka.
Wasiirka Wasaarada Gaanshaandhiga ee Dowladda Kmg ah ee Soomaaliya Xuseen Carab Ciise, ayaa wuxuu maanta uu ka soo degay Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee magaaladda Muqdisho, waxaana masuuliyiinta soo dhaweysay laga xusi karaa Wasiiru Dowlaha Wasaarada Arrimaha Gudaha ee Dowladda Soomaaliya.
Wasiirka Wasaarada Gaanshaandhiga ee Dowladda Kmg ah ee Soomaaliya Xuseen Carab Ciise, ayaa wuxuu maanta uu la-hadlay Tefeshinka Qaranka Somaliya, isla-markaana wuxuu kaga warbixiyay wax-yaabaha u suurta gashay intii uu joogay dalka Maraykanka.
Wasiirka ayaa wuxuu sheegay in uu kullan uu la-soo qaatay Jaaliyadaha Somaliyeed ee ku dhaqan Gobolada Dalka Maraykanka, wuxuuna sheegay in uu kala hadlay xaaladda dalka Somaliya, isagoo xusay inay yihiin kuwo jacel inay gacan ka geystaan xaaladda Somaliya.
Xuseen Carab Ciise ayaa wuxuu kaloo uu sheegay in uu kullan uu la-soo qaatay Saraakiishii Dowladdii Maxamed Siyaad Barre ee ku sugan dalka Maraykanka, kuwaa oo uu sheegay in uu kala hadlay xaaladda adag ee ka jirta dalka Soomaaliya.
Wasiirka Wasaarada Gaanshaandhiga ee Dowladda Kmg ah ee Soomaaliya Xuseen Carab Ciise, ayaa wuxuu sheegay in uu ka soo qaatay tallooyin wanaagsan, laakiin muusan sheegin waxa ay yihiin tallooyinkaasi.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 54547

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>