Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all articles
Browse latest Browse all 54547

GANACSATADA SOMALILAND WAXAAN USOO JEEDIN LAHAA UMADA KA DAAYA CUNA QABATAYNTA UNA NAXARIISTA DADKA,By: abdirahmaan ahmed youssuf

$
0
0

waxaan aad u salamaya bahda  oodweynenews  oo   ah ta naga haqabtirtay  wararka joogtada ah  iyo dhamaan dadweynaha isku dhaafsada  fikradaha caafimaadka qaba
waxan rabaa in aan waxooga ka idhaahdo   dhiibatada dadka ka haysata sixir bararka iyo maceeshada qaaliyawday   
waxaa  wada ognahay in dhamaan wadankeenu ku tiirsan yahay   biilasha loga soo diro   dibadaha  taasoo  aan odhaan karo   waa meesha kaliya ee ay inaga soo  gasho lacagta adag ee wadanku  ku kala socdo marka laga reebo waxooga ka soo baxa xoolaha nool taasina ay gacanta ugu jirto ganacsatada yar yar ee xoolaha dhofiya   
hadaba sidaan wada ognahay marka sixir barar yimaado waxay ganacsatadu ku doodi jireen waxaa qaaliyoobay dollarkii  aanu alaabta kusoo iibsan  jiray    kaas baanuna la soconaa maalin ba meesha uu maraayo maanta se waa la badalay oo waxay u rogeen  xaga kale oo marka dolarku jabo alaabtii ayey kordhiyaan  oo qaaliyeeyaan   iyagoo aan eegay dadka tabarta yar ee aan waxba haysan ama sugaaya biil yar oo loo soo diro    kaba darane waxaa kaloo jira qaar aan iyagu waxba lo soo dirin oo ka xamaasha magaalada ama wadankaba   oo waxay soo helaanba aanay jaray waxay ku noladan ileen waatanoo waxkasta waa la kordhiyey      
hada sidaan wada ognahay dolarkii oo maraya meel aad u hooseysa  oo reerkii boqolku ku filaa aanay sadex boqol ku filayn    taaso ah dhibaato so wajahday dadka aan markii horeba wax buuran haysan ama la daala dhacayey quutal daruuriga   iyo maatada aan  waxba haysan  waxaan usoo jeedin lahaa   ganacsatada  in ay u naxariistaan umada kana daayan cuna qabataynta     iyo sixir bararka aad ku haysaan dadka waxaana  ilahay yidhi isu naxariista waliba kiina jilicsan u naxarriista  hadii aad ku fakartaan faa iido raadiya  kama  faa idaysaan dhibatada masaakiinta  aad rashinka ku qaaliyeysaan  dolarkii yaraa ee ay siteena dhulka dhigtaan oo maalinba waji cusub u samaysaan    waxaana wacan inaad la socotaan maalinba meesha wax marayaan si nolosha umadu isugu soo dhawaato     kii ilahay wax usoo dhiibana waxiisi wax u jari karaan
xakuumada waxan leeyahay umadan dhiigoodii ganacsato miiratay waa inaad la socotaan oo ogaatan dhibka wadanka ka jira  sarifka iyo meceeshada isku jaangoysaan    oo aad xad   u samaysaan sarifka maalinba meel tagaya iyo raashinkan  kolba la kordhinaayo     hadii aan la helin wax isku dhawna waxaa imaan doonta in wadanka gaajo loogu dhinto    umadana dhib soo gaadho  
wa bilaahi tawfiiq 
 
abdirahmaan ahmed youssuf  
 
waayo_arag905@hotmail.com
————————————————-
Afeef: Aragtida maqaalku waa mid u gaar ah qoraaga, anaguna hadaanu Oodweynenews nahay waxaanu leenahay Magacaagu yuu noqon mid xumaan ka marag kaca, haka talin masiibiyo wax makhluuqa kalla dilla.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 54547

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>