Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all articles
Browse latest Browse all 54547

Maqaal "HURTA UMMADDA IYO SIYAASINTEEDU MA IS KU BAAHI BAA??"

$
0
0

"Baahi"   waa dareen adamigu ka wada siman yahay ; ahna kan ku kalifa
in uu sameeyo dadaal iyo howgel si uu u  helo xal iyo jid uu u maro
gaarista baahida uu qabo.  Dareenkaas oo leh wajiyo aad u kala duwan
lehna ahdaaf iyo ujjeedooyin fog iyo kuwa dhow oo aan dhaafsiisneyn
dhadhan waqti kooban ; baa ah kan xaqiijiya nolol iyo wadan uu ku gutto
kuna ilaaliyo baahidiisa  joogtada ah inta uu ka sareeyo dulka.   Wadan
waa baahida ogu weyne ee adami uusan marna ka maarmi karin ahna tan
xaqiijisa jiritaankiisa noole iyo astaan.   Dad aan laheyn wadan kama
duwana geed aan laheyn xidid. Wadan waa  dul xaddidan oo wadaag ah.  
Mas'uuliyadda xanaano ee wadan baa ah baahi  jeel ka jeelna u adeeg isu
adeeg mujtamac aasaas ahaan isleh.  Si kasta iyo xaalad kasta midna ma
bedesho illaalinta wadan oo ah lama huraan aan laheyn qiimo lagu
bedesho.  Abooriste Illaahey ee jiritaan iyo lahaansho wadan waa labo
isku xirin oo aan marna kala harin.   Mujtamac  kama soorowdu umana
soorowdu in uu gaaro isku filaansho nolol keenta in uu ka maarmo baahi
qab wadan  si kasta oo u gaaro buuxin dhaqaale iyo hanti muqaal. 
Dhigaal dhaqaale  qadar kasta ha gaaree kama dhigu qof mid buuxiyey
jiritaankiisa adaminimo ; qoxooti wadan kalana uma noqdo badeel wadankii
hooyo.  Musiibadu waa haddii bahida asal iyo jiritaan leh meerto jeel
ka jeel lagu bedesho dhadhan waqti kooban.
                              

                      Garashada
dareen baahi qiimu ma sameeyo haddii u ku wareego baahi shaksinimo ;
mana waaro hadaan loo sameyn loona dejin aqoon iyo isku duubni si loo
helo dallad la hoos harsado laguna fuliyo dhamaan barnaamijyada
gudashada baahideena.   Dallad la hoos harsadu maanta hadaan Somali
nahay ma eynu heyno.   Inta yar ee lagu sheeko Puntland ama Somaliland
labaduba dhadhan iyo buunbuuninta lagu dhisey baan aheyn mid ummad
Somaliyeed laga dhex arki karo waana nasiib darro ; walow ey yihiin
tahayna mahad Illaahey in la helo meelo ummad Somaaliyeed ku badbaadaan
waana guul iyo jiritaan ; waa la heley ee lama hanan. 
                                        
Qixii noo ahaa joogtada waxaa noo billowdey in maanta Somaali laga
qixiyo Puntland laguna sheeko in eyan u dhalan Puntland.   Ma ahaa
doonista dareenka shacab ee waa mid ku xiran billow siyaasad la rabo in
lagu fuliyo lagana dhaqan galiyo Puntland ayadoo loo marey nabad
la'aanta Puntland.  Waa cajiib in ummad dhan la xaaqo laguna eedeeya
amaan la'aan ayagoo ka soo cararey amaan la'aan ku kaliftey imaanshaha
Puntland.   Ma kii geystey iyo kuwa geystey baa leh eedda nabad la'aanta
marka ey ku caddaato mise inta itaalka yar oo aan laheyn cid  kale ayaa
leh loona arkey in ey ka gadisan yihiin reer Puntland. 
                                        
Akhriste 11 sano ama labo maamul ka bacdi in  maamulka Puntland calan
sameystu maxaa daleel loo hayaa maxaase lagu muujin?   Waxaa billowdey
hirgelinta iyo udub u aaska maamul goboleed leh astaan qaran waxaana
reexiya oo abaal ku qaba waa Ethopia iyo siyaasi Somaali ah oo rajo
ku/ka qaba maamul.   Waxaa aad loo meel marin deegaan sheegasho iyo u
dhisid maamul inta isku deegaanka ah.  Waa cajiib deegaan muxuu kaga
duwan yahay xaafad dad somaali ah wada degaan  marka loo feeriyo
xaqiiqda ku dhalasho deegan ka mid ah deegamada Somaaliyeed? 
Muxuu/maxay ku kala duwan yihiin ku dhalash iyo degenaansho meel dul ka
mid ah wadan weynaha Somalia?  Akhriste xaafad Xamar ku taal maxay kaga
duwan tahay mid ku taal Boosaaso ama Hargeysa ama Jigjiga????   Iga
raali noqo akhriste maxaa ii geeyey Jigjig meeshii aan ku taagnaa
baanan  cagaha  ku heyn kuna heyn waayey!!!!!!  Erayga deegan soo ma
ahaa muujin degenaansho meel waa haddii aan la siyaaseeyn erayga. 
Maxaase
macne ahaan ey ku kala duwan yihiin deegan iyo xaafad haddan la
leexineyn?? Deeganka ama xaafadda  xamarjajab iyo deegaan ka mid ah
deeganada Puntland maxay ku kala duwanaan karaan marka loo feeriyo ku
magacaabid meel ama qeyb-duleed oo ka mid ah dulka Somalia?   Haddii si
hoos ahaaneed loo feeriyo habka lagu wado Somalia in ey ku danbeyso
waxaad ka arki kartaa siyaasiinteeda oo kala leexsadey kalana qeybiyey
wadankii Somalia wadan ahaan kalana saarey ummaddii Somaaliyeed shacab
ahaan. 
Waxaa cajiib ah in jeelka  annigu iyo inta la mid ahi lagu
a'baabin jirey uu maanta yahay mid laga faano oo ahaa Somaalinimo iyo
wadan  loo wada siman yahay.  Waxaa cajiib ah in cadow haddii la
tilmaami jirey ey ummadda Somaliyeed gees ka gees taqaaney kan loola
jeeday; maanta cadowgu la sheego uu yahay kan aan kula qabiil aheyn iyo
deegan.  Waxaa cajiib ah in ummadnimadii shaley la nalagu a'abaabiyey oo
dugsiyada iyo sugaanta Somaliyeed lagu yiqiin taarikhdiida in maanta
lagu sheeko jaahilnimo iyo fikrad khaldan oo gabowdey.  Waxaa cajiib ah
in la doorbidey loona hurey karaamo in ansaxin iyo oggolaansho laga
doona Ethopia laguna loona mahad naqo.   Waxaa cajiib ah baahi hadey
jirtey/jirto la nagu a'baabiyey in ey tahay ilaalinta iyo u adeega
wadanka iyo ummadda Somaliyeed taasna lagu  gaaro  dhamaan baahi la qabo
iyo sharaf karaameysan ee adduunka iyo aakhiro.  Wallaahi wax badan baa
la noo sheegi jirey lana bari jirey su'aasho wixii xagii bey ka
baxeen??   Waa la yaabey lamana nasan loomana maqnaa ; waxaa xaqiiq ah
haddii waqtigu sidaa ku socdu dhibkuna dheeraadu ummadduna qaxdu in la
is weydiin doono meesha ummaddii iyo jamhuuriyadii Somalia ku
dhanbeysey.
                                                
Akhriste feeri gaar ahaaneed 2006-dii abaabulkii dowlad u smaeyntii
Somalia ee wadanka Kenya walow run ahantii wax aan Ethopia saxiixin
aqbalin uusan ka hirgeli karin Geeska Africa. Waxaa la dhisey Dowlad
Federal ah maxay kula tahay in areyga  "Federal"  loola jeedey yaase
wattey?  Xasuus intii aan la qaadan xuriyadda waa la soo hadal qaadey
nidaam federal ah laakin waa la arkey lana fahmey ku fulintiisa Somalia.
Baahida
Ethopia ka dowlad iyo jiritaan ba ah  ku gabasho nidaam federal ah
waana tan ey ku gaartey xuduud iyo dul eyan laheyn.  Dowlad iyo xuriyad
maqaar saar ah ayaa Somalidii Ethopia lagu qanciyey.  Madaxweyne dad iyo
dal leh oo hoose taga R/wasaare Ethopian ah sida kan Puntland ,
Somaliland iyo kan sheegta Somalia oo Dhan.  Nidaamkaas oo Ethopia ka ah
Federal waxay ku fuliyeen Somalia isagoo ah maamul goboleysi.    Waxaa
cajiib ah sida loo buunbiniyo wada shaqeynta dowladda Ethopia , deris
wanaaga , walaaltanimada labada dal iyo dad , muhiimadda ganacsiga iyo
inkalo baden.  Waxay taasi keentey in jabhadihii ONL , OSF ,WSLF ......
ey waayaan gabbaad iyo garab balse lagu xirey Somalia loona doofiyey
Ethopia in ey maanta Ethopia saf ogu jiraan sidii ey u aqbali laheyd
loona sameyn lahaa astur lagu magacaabo heshiis dhex maray Ethopia iyo
jabhadihii ka soo hurjeedey.............. 
Yaa kalifey soortana
geliyey in baahidaas qiimaha weyn leh u hirgasho Ethopia?   SSC oo
maanta laga maqlo Puntland waa wajigii kowaad ee lagu qeybin lahaa
Somaliland laguna dejin lahaa colaada qabiil ee Puntland iyo
Somaliland.  Ogow hurey ayey u jirtey SSC ogow sidii hurey loo caburiyey
maantana la caburiyo lana ceyriyo siyaasinta ka soo jeeda Ssc ee jooga
Puntland iyo sida labada cabburin u kala duwan yihiin.  Ethopia ayaa
buurka ka jafeysa una ololeyn doonta markii waqtigu oggolaadu si maamul
goboleed ka madax bannaan Puntland iyo Somaliland loo dhiso ee ah
Sscland.
Akhriste wali waxbaa dhiman mana sorowbeyso in Puntland iyo
Somaliland ey u jiraan si wadan lagu tilmaami karo isbedel qoomiyadeedna
keeni kara mustaqbalka waana muhiim in labada la yareeyo tayo dul iyo
tiro dad.    Sscland ama Seylacland hadaad maqashid ha nixin hana nixin
haddaad maqashid bardacadland.  Shaley waxaan maqley Waax iyo Waadland
walina ma baarin mana aanan fahmin.
Ahlusunna waljamaaca ayaduna feeri sida loo kala qeybiyey maxaad ka felin godolada hoos taga.
Ethopia
arrinteedu waa maanta maxaad qeybin oo aad qaban karta berina aad kaga
hurtigi kartaa waana in samir iyo waqti la adeegsadaa watta ciyaarta
Ethopia. U samir kuna dheere waqtiga colaada iyo dagaal joog sugna
Alshabaad iyo wixii la mid ah.......................  Akhriste ogow
marka aad qiyaasi weydid xadidi weydid baahida ku heysaa qiimaha ey kugu
fariisan waxaad dhaxaasho musiibo ka weyn baahidii ku heysey ee aad u
raadineysey xalka.
 
                                           
Markii qof waliba u cararey hurtiis  doonis baahi na heysey/heysa waa
tan nagu khasabtey in eynu qoxooti ugu/ku noqonnu gudaha wadanka iyo
meelo baden oo kala duwan kalana fog . Ka carararka wadanka kuma eka
badbaadin naf  maxaa wacey ogaansho la'aanta khatarta iyo u bareerka
xaalad qax iyo qaxootinimo ayaa ah ayaduna mid wadatta halaag iyo
geeri.  Qaadashada go'aan ah in la qaxo kuma koobna baahi qab
qaxootinimo laakin waa mib la isku khasbey xeendaabkuna yahay helitaan
nabed iyo gabaad nasiimo.  Maanta haddan Somali nahay kuwa jooga
wadankii qax kama baxaan kuwa bannaank ku noolna dayac nafsaane ah oo
leh faaruq  qalbi  oo eyan aqoon buuxinteed kama baxaan  iyo dayac ilmo
iyo..............   Fulinta iyo garashada in qax baahi loo qabo la garey
lana fuleh ; laakinse waxaa cajiib ah in ummaddu fahmi weydey kana
midoobi weydey baahida ka hurtagga musiibada iyo burburka iyo baahida in
nabed lagu joogu wadanka. Ka sii darane in is aaminta una hurta
naftooda ummad  la waa.............                                                          
                                             
Musiibadu waa markii ey baahidu ka itaal roonato adamiga ama qofka 
noqotana aragti gaaban oo  hagta garashadiisa caqli  ee fahan nolol  iyo
dareen hawo aduun oo ku kooban  shakhsi ahaantiisa.   Wadanka gudihiisa
ogu hureyn  xaqqiqdu waa in xaaladdu isu rogtey  balwo nafeed  ama
qancin naf oo aan laheyn xad xira.   Waqtiga dheer ee halaaga lagu jirey
iyo niyad jabka joogta ah baa ka dhigey ummad mid aan kalsooni ku qabin
mustaqbil  wadan waana musiibada ogu culus ee ummadi ka dhaxasho dagaal
sukeeye iyo hogaan xumada siyaasinta oo joogta  ah.
Haddii shacabku
qax aaminey kan/kuwa siyaasi isku sheega Somaaliya ma ahaa kuwa ku xiran
hadaf dheer iyo aragtida musiibada ummade ee waa mid ku kooban naftiisa
u meel helid iyo dhaqaale doon.  Heliste dhaqaale laga helo camal
siyaasad waa camalka kali ah ee si joogta ah u hirgeley haddii kan
hantey uu leeyahay cudud qabiil ama ciidan u dhifaaca.  Camalka labaad
ee hirgeley waa  NGO-yada  kii/kuwa  wax ka heley una hirgeshey ha
noqdaan dugsiyo iyo wixii la mid ah ; waa markii la feeriyo danta guud
wax u qabashadeed.     
                                                   
Siyaasiga Somaliyeed baahidiis iyo baahida ummadda uu sheegto  in uu
mas'uul ka yahay aad bey u kala fog yihiin; maxaa wacay ma hanan karo u
adeeg ummadeed madaama uusan ka soo dhex bixin ummadda dhibaateysan ee
uu laakin yahay kan/kuwa abuurey dhibaatada iyo halaaga.  Runtu waxay
tahay in siyaasiga Somalia maanta uu aad u og-yahay una aaminsan yahay
in uusan u adeegi karin ummadda una huri karin ka hurmarinta tiisa  ;
sababto ah kuma qabo kalsooni in uu ka heli karo ummadda  tageero iyo
garab istaag.   Hurta si u soo baxaa siyaasi dhowrsi ma ku leeyihiin
shacab weynaha Somaliyeed?  Akhriste ila jalleec hab dhiska
siyaasinteena iyo sida ey ku soo baxeen una hanteen hoggaanka siyaasadda
; ila arag ka hur xaaladda ey ku jireen iyo in ey ahaayeen kuwa u
adeegi jirey : taa haddi la waayo ma yihiin kuwa ka fog kana dheer
akhlaaq ahaan ku wareega iyo dhifaaca mansab iyo kooxeysi ku dhisan in
isku dan ah iskuna nool. Siyaasintii hure ee qurba-joog iyo wadanka ha
tirsan ; inta aad ku aragtid agagaarka siyaasinta cusub ee hana qaadey
1992 waa kuwa la mid ah kuwa ey hoos harsadaan. Maanta ma lahaa ummaddu
siayaasiin hoos harsada ummadda ey mathalaan.
Akhriste habka lagu
noqdu siyaasi Somalia laguna hantu hogaan la mood leh awood cudud  waa
la'haanshaha koox hubeysan.  Kuliyadda ama jamacadda uu ka soo baxo
siyaasi ama hoggaamiye maanta Somalia waa lahaansho koox hubeysan iyo
awood diidmo arrin ama baaq isla markaasna uu leh awood dagaal iyo diig
daata.  Political platform-ka ayaa ah ma ridi kartaa xabad  waxna ma
diidi kartaa?
Waxaad aragtaa in laga maarmey in ummadda laga doono
dhismo dowladeed; waxaad aragtaa in dhaqaalaha lagu dhisu laguna howl
geliyo dowlad laga helo bannaanka, dhamaan mushaar , hub iyo shidaal. 
Waxaad aragta in jiritaan maamul uu yahay mid ku xirin rabitaanka 
bannaanka siiba Ethopia ,  iyo Un-ka  oo lagu sharciyeestu maamulista
Somalia iyo dowlad u dhisideeda.  Waxaad aragta xanuunka iyo dooda ugu
adag siyaasinteena ey tahay mushaar la'aanta dhowr billood siiba
baarlamaanka.    Beenta iyo ballan qaadka aan dhamaan oo ah mid ku xiran
dagaal gal iyo xureyn magalaada xamar  oo joogta ah ; yaase laga xureyn
yaase loo xureyn?   Isu tanaasul  la'aanta walow ey maanta inta
sheegatta dowladnimada iyo inta ku ridda xabadu ey ahaayeen walaal
islahaa siyaasiyan iyo mabda'a ku dhiqadda ummadda shareecada Islaamka. 
Waa cajiib in baahidu tahay dareen laakin  baahi qabahu  uu yahay kan
xakameeya hagana baahidiisa. Waxaa cajiib ah in isbedelku ka yimaadu
qofka ee uusan ka imaan dareenka baahidisa runta ah oo ah qarannimo iyo
badbaadinta ummadda iyo dalka Somalia;  maxaa wacey waxaad u baahan
tahay waad taqaan waana taqaan waxa fiican waxaa xun waxay ey kala
yihiin.
Waxaa aad u xanuun baden oo aan lala seexan karin fursadda la siiyey Ethopia loona siiyey in ey Somalia gacanteeda gasho.
                                          
Markaan feeriyey hammiga iyo u hallac taaga siyaasinteena doonista
mansab aan laheyn mudnaan iyo howl fulin sida loogu qamaamo : kii maanta
ahaa mucaarid uu yahay muxaafad heley mansab isla markaasna ah tageere
fuliya siyaasad iyo afkaar uu shaley ku ahaa mucaard.   Waxaan dareemey
in dowladnimo iyo sharaf qaran lagu bedeley rabitaan gaaris dhadhan
gaaban kana aan gadisneyn marqaan jaad.  Waxaad mudaa in la wada
marqaasan yahay oo aan laga feersan hadal shaley la yiri iyo mowqif la
muujiyey laguna dagaalamey sidii loo fulin lahaa.  Waxaa cajiib ah
hilmaanka shaley iyo u indha cadeynta mowqifka maanta.  Waxaa ka sii
daran in shacabkii shaley laga gadey mowqif karameysan aan la kala
jecleyn lana hubo in shacab wax bedeli kara uusan jirin xasuusna eyan
qiimo sameyn.  Fulinta xararadd siyaseedka siyaasiga  musiibadiisu kama
duwana balwada qaad cunaha.  Akhriste ha ila yaabin ee maanta musiibaada
balwadu nagu heysu waxaad ka aragta qaadku  xaaladda u na gaarsiiyey
iyo baaba'inta  dhamaan asaaska mujtamac taaso u gudubtey baaba'a
ummadnimo.  Waxaan shaki ku jirin in balwada qaadku nagu kaliftey in
eynu iib geyno ilmahiina mustaqbalkooda ee cafimaad kurimo iyo mustaqbal
waxbarasho oo aan loo hurin madaama helista qaadku ey tahay mid ku
xiran dhaqaale loo huro ; ka waran helista mansab siyaasi maanta soo
laguma iibsan lumin dhamaan sharafta ummadda iyo mustaqbalkooda dhamaan
waxbarasho , caafimaad iyo.............? 
Dhaqaale helista ayaa ah
ayaduna mid wadatta musiibo mar haddii eysan jirin  hab iyo nidaam lagu
ilaaliyo laguna tabco maaliyad ama dhaqaale.   La'aanta nidaam waa
kan/tan  ku kaliftey kan hayaa dhaqaale iyo kan doonista ogu jira in ey
wada mareen/maraan xaalad kasta iyo dulinimo dulmi  si loo hanto
dhaqaale lagu fuliyo baahi qadar iyo qimo ahaan aad u hooseysa ee waqti
kooban oo aan dhaafsiisneyn xaaladda marka uu ku jiro ; ka waran
siyaasiga maanta su  ku helo mansab wuxuu u maraa meel aan doofarku
marin? 
 Ka hadalka balwada qaadku aad bey muhiim u tahay marka aad
fiirisid sida mujtamaca loogu kala furfuro logana jeediyo halaaga ey ku
jiraan  laguna arooriyo in aan wax tar laheyn laakin geysta dhib walina
ah ciidamo fuliyo xabad joogta ah iyo cudud lagu sheegto mas'uuliyad. 
Sido kale ayaa siyaasiinteena iyo inta isku mab'da ah logu kala furfuraa
mansab laguna arooriya in yar oo an wax tar laheyn si aan loo helin wax
isheysta oo leh hadaf mideysan    Kala furfurka mujtamaca waa ka qattu
dheeryahay wadanka gudihiisa ee waa mid fulinta  laga abaabulo labada
wadan ee ku qabo faa'ido dhaqaale iyo mid siyaasadeed.  Waa hubal in
Somalia ka hirgeshey baahi caameysey oo la noqdey mujtamac aad u liita;
kuna mashqoolsan helista in yar; isla markaasna siyaasin ku sheeguna ka
fa'ideystaan.  Waxa  la abuurey baahi joogta ah iyo doonis dhaqaale oo
aan loo heyn camal la qabto   Howl la qabtu  iyo camal baa lagu hanan
karaa baahi. 
                                                    
Macno ma lahaa mar haddii nolol doonisteed ey noqotu maalin dereg mana
noqottu mid buuxisa baahidiisa kan dooney maalin dereg ; sidoo kale
qooxti ku noqo wadan kale ama agagaarka gurigaaga ama wadanka gudihiisa
mana xallisu musiibada laga wada cararey.  Taasi waxay furtaa/furtey in
mujtamac dhan  oo buuxa garasho iyo muqaal  ey u xirmaan in yar oo aan
laheyn rajo badba'din leh ama garasho musiibada lagu jiro. Waxaa cajiib
ah haddaan nahay somali eynu nahay ummad meel u fiyoobi eyan jirin maxaa
wacay baahi xumade na heysaa waxaa noo racaa xishoodkii oo eynu ka
tagney.  Waxaan rajeynayaa Akhriste in aadan ila yaabin ee ila feeri
hoos ahaan sida eynu nahay iyo sida eynaan isugu turin kuna faraxno
halaag haleeley qeyb inaga mid ah iyo ku faanka inta la deley oo leh
carruur iyo waayeel lana sheegtey in janno lagu heley dilkooda iyo
qaxooda.  Xishoodku waa asturka adami kana qaalisan dharka la xirto ee 
la isku asturo.  Xishoodku waa asturka runta ah waana  akhlaaq ;
akhlaaqi waa xishood ; xishood kii hela helyey dhamaan baahi aduun iyo
mid akhiro.  Xishoodku waa buuxin nidaam isu dheeli-tirsan oo leh
qadarin iyo maamuus ha noqottu xaalad dagaal ama mid nabadeed.  Mar
haddii xishood la waayo waa bubaal aan shaki laheyn in is dhaxyaac iyo
fowdu caameysa ey tahay bedelka la fi'sho loona magan galo.
                                                     
Ogu dhambeyn Illaahey wuxuu aadamiga ugu manna sheegtaa labada waqti ee
ah maalinta iyo habeenka.  Maxa wacay waa waqti kan laga fa'ideystu
laguna caabadu Illaahey ; waa waqti kan huromar laga sameeyo laguna
sameeyo ; waa waqti ka ah wareega cumri ee aadami tirsadu intey u
gaartaba ; waana waqti kan Illaahey noo qabtey isla markaasna uu nagu
xisaabin doono sida aan ka yeelney  una dhaqan gelineyn itaal  iyo aqoon
cilmi  iyo waayo aragnimo la kasbadey.  Waxaan shaki ku jirin in eynu
soo marney waqti dheer oo cadaab ah laakinse eynaan ka fa'ideysan kana
weecan jidkii iyo nidaamkii na dhaxal siiyey halaaga iyo baaba'a. Waxaan
shaki laheyn in qof walba oo somaali ah ka buuxa ka hadalka iyo
tillmaamin musiibada na heysa isla markaasna uu u leeyahay awood sheegid
xal u helid. Waxaa aad u adag u istaaqa iyo hergelinta soo saas ma ahaa
akhriste? Ka hur imaanshaha kuwa wada kana danbeeya musiibada ayaa lagu
arkaa indho iyo fahan kala gedisan walow isku si dabku u gaarey
dhamaan.
Allow sahal nin aan saxiib nahay baa qorey " Dadku wax walba
wey ogyihiin dhamaantood ha joogan wadan ama baanaanka, dibane ha
ahaadu ama usan aheyn, faqiir ama curyaan indho la', wuxuu rabo ha
ahaadu aqoonyahan ama jaahil dhamaanteyn diyaar uma nihin in wax
isdelelaan sababto ah meel baan u kala xaglineynaa isku ujjeedu manahin
walow eynu isku xanuun nahay.

Wa Billaahi Towfiiq
Dhoore


Viewing all articles
Browse latest Browse all 54547

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>