Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all articles
Browse latest Browse all 54547

Faysalow “Waxa galabta sheeko leh nacasnimada guuleed gadhku kaaga soo baxay”

$
0
0

Sheeko soomaaliyeed ayaa waxay leedahay islaan baa wiilkeedii hadalkii ka dib dhacay markaas ayay ilaahay ka bariday inuu wiilku hadlo, laakiin ilaahay kama aysan baryin in uu wax san sheego,wiilkii kalimadii ugu horaysay ee uu yiraahdo waxay noqotay mid aan islaantii cajabin oo ay ka xumaato markaas ayay hadana ilaahay ka bariday oo tiri ilaahow shib iigu sii.
Waxaan ka naxaa hadalada u faysal cali waraabe ka yidhaa masraxyada siyaasada iyo weliba marka uu mooshinada dabada ka riixayo,waxaad moodaa in aanu waxba la hadhin ama aanu dib u noqonayn qof dan ka leh shicibka somaliland, waxaan u khajilaa marka uu ka hadlo waxyaalaha qaar aan looba diran iyo marka uu dhexdabaasho ama muquurto mawjadaha siyaasadaha dalka oo aad moodo midaan weligii indho saarin somaliland iyo si loo dhaqmo tona.
Hadaba waxaa isweydiin leh yaa faysal intii uu shalay yiri ka filanayay in maruun laga maqlo afkiisa  bal u fiirso hadaladan”walaalayaal waxaanan galabsanbaa layga jarayaa,walaalayaal lacagbaa lay adeegsanayaa,walaalayaal hargeisa ma ninbaa iga sheeagan kara,walaalayaal c/raxmaan ciro go,da ayuu 4000 oo cod iiga keenee muxuu xisbiga iiga rabaa,walaalayaal meeshani waa somaliweyn,ina rayaale waxa uu odhanjiray faysal hala hadlina ee Balkan xisbigaygii igu qabsaday eega, xisbiga(ucid) hargeisa ayaa laga leeyahee meelkale lagama laha,c/raxmaan sxb ayaanu ahayn laakiin wuxu ahaa SSC,c/raxmaan ciro xaafada hayga guuro,wallalayaal dawlad iyo shicib meelbaa layga wada maray,madaxweynuhu inaadeerkii buu iga raacay,xisbiga hadii laysoo dhiciyo waan wareejinayaa”.
Dhamaan hadaladaasi waxay ahaayeen waqtigii uu jiray khilaafka ucid,bal hadana u fiirso hadaladii laga qoray faysal cali waraabe waqtii lagu dhawaaqay urur siyaasadeedka WADANI.
”Sidii uu cabdicasiis samaale sheegay c/raxmaan ciro waxa uu u ololeeyay kulmiye doorashadii,waan ka aqbalay istiqaalada laakiin waan soo bedelanayaa gudoomiyaha baarlamanka,walaalayaal dhagax ayaynu kaga soo saaraynaa baarlamanka ciro weynu ku mudaharaadaynaa, xildhibanada is casilay waxaan leeyahay ka noqda ama soo cadeeya aan soo bedeshee kkkk,walaalayaal siilaanyo wuxu muujiyay geesinimo,wallahi waxaan la tiigsanayaa maxakamad, walaalayaal lacagbaa la iga dhacay, xeerilaaliyaha wallahi xilka haynmaysid oo kursiga fadhiyimaysid hadanad lacagta layga dhacay maxkamad taagin”.
Hadaba akhriste Ilaahbaan idinku dhaariyee ma qof miyirqabaa hadaladaa ku hadla?teeda kale waxa galabta sheeko leh gudoomiyaha baarlamanka yaa soo doortay?ma ucid mise shacab ayaa soo doortay oo cod u huray?oo maan maankaba lagu darsan in deegaan laga soo doortay? iyo in ninkani cod shacab ku soo baxay ?o lacagi ka baxday?,faysalow wallee hadaad isleedahay murran ayaa ucid looga tegay,oggow boqol muran gudoomiyaha baarlamanka loga tegimaayo..xaasha.
Faysalow waxaan ku ducaystaa markaad haddasho sida islaantaa“ ilaahayow shib iigu sii”
Balse waxa galabta sheeko leh nacasnimada guuleed gadhku kaasoo baxay.
 
Taasaad weliba doonaysaa inaad hadasho,oo adigoo lahaa wadani ayaan ahay aad tidhaahdo halkani waa somaliweyn, adigoo lahaa qurba joog qabyaalada ka madhanbaan ahay aad tidhaahdo hargeisa yaa iga sheegankara,oo adoo lahaa ucid reerba leh hadana xildhibaanadii reeruhu soo doorteen aad tidhi ucid baa soo dooratay wallee hadana waxa galabta sheeko leh nacasnimada guuleed gadhku kaaga soo baxay.
Waxaan ku odhanlahaa masraxa siyaasada somaliland meeldambe kaagama banaanee meelkale ka haanee hadiikale mugdiga jafa oo muquuro keligaa.
Gebo-gebadii waxaan leeyahay shacabka reer somaliland ee sharafta leh inay ka ilaaliyaan cayda iyo aflagaadada maddaxda qaranka ee maamuuska inaga mudan.
Dhamaan waan soo salaamayaa shacbiga sharafta leh ee reer somaliland.
Waxa galabta sheeko leh nacasnimada guuleed gadhku kaaga soo baxay.
Xasan jarmal
Jarmal123@yahoo.com
———————————————————————————————
Afeef: Aragtida maqaalku waa mid u gaar ah qoraaga, anaguna hadaanu Oodweynenews nahay waxaanu leenahay Magacaagu yuu noqon mid xumaan ka marag kaca, haka talin masiibiyo wax makhluuqa kalla dilla.
 


Viewing all articles
Browse latest Browse all 54547

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>