Salaama caleykum, umadda soomaaliyeed guud ahaan, waxaan si gaar ah u salaamayaa Bulsha weynta reer maakhir.
Waxa aan shaki ku jirn in is kaashiga, is bahaysiga, midnimada, iyo is raaciddu ay tahay qaabka ugu wanaagsan ee aadanuhu cududiisa ku muujin karo.
Anigoo aan dib ugu noqonayn dhaliilaha iyo dib u dhaca dhinac walba ah ee ka jira Degaanada Maakhir waxaan arkaa dedaal fara badan oo ay dadka degaanka u dhashay ugu jiraan in ay is xoreeyaan oo ay dareemaan in ay dalka iyagu leeyihiin , in ay hadlaan oo diidaan beenta laga sheegayo iyo shaabadda argagixisonimo ee dhabarka lagaga dhufanayo, waa wax lagu farxo, in dad badan dareenkoodii kacay, maalmihii ugu dambeeyey waxaa ay shirar xagga telefoonka ahi dhex mareen qaar ka mid ah jaaliyada dibadda ku dhaqan, oo ay hormuud ka yihiin Kenya iyo Kuwait, iyadoo aad loo taageeray shirkii iyo baaqii ay soo saareen odayaasha jaaliyada UAE (Dubai), waxaa iyana dedaal aad u weyn ku jira jaaliyada Sweden, Holland, Norway,USA, Canada, Ethiopia iyo qaar kale. Alla ha idin garab galo ayaan leeyahay oo guulaysta.
Marka aad akhridid ama dhegaysatid aragtiyaha badan ee la is dhaafsanayo waxaad dareemaysaa in ay aad isugu dhow yihiin ceelka dhaanka loo wadaa oo loo aroorayaana uu mid qura yahay laakiin ay malaa kala duwan tahay waddooyinka ama dhabbooyinka loo marayo, taasina ay tahay shey iska caadi ah.
Mar haddii sidaa la isugu aragti dhow yahay maxay wax u dhaqaaqi la’a yihiin oo loo gabanayaa, ma cid laga baqayaa jirta?
Jawaabta su’aashaas haddii aanba anigu horarsado oo ka jawaabo, cid laga baqayaa aan ilaahay ahayni ma jirtee, waxa meesha ka maqan midnimadii iyo wadajirkii khaaliska ahaa.
Marka laga yimaado talooyinkaa faraha badan ee la is dhaafsanayo, waxan qabaa in ay muhim tahay inta aan waxba lagu heshiin ama wax qabadba la bilaabin horta in la midoobo oo cududda iyo caqliga meel loo wada jeediyo, inta la kala aragti fogyahay, ama hawsha la isku eeganayo, waa ” Heyhaata – Heyhaata” iyo fari kama qodna faanoole, inta aynnu Hargeysa iyo Garoowe u kala tartamayno, ha sugin warsangeli wax noqda ama qayrkii gaara, inta aynu sed moodaynno oo u soo hambalyaynayno Gobol la yidhaahdo Haylaan baa Faroole noo magcaabay oo la inagu aamusinayo, arrintaas oo uu doonayo in uu ku daboolo fadeexaddii ka raacday carruurtii reer maakhir ee laga qadiyey deeqdii wax barasho ee Turkiga oo ah wax lama illaawaan ah taariikhdana far waaweyn kaga qoran.
Midnimo haddii ay timaaddo, oo aynnu gacmaha is qabsanno, oo aynnu ogaanno in Dhahar iyo Badhan iyo magaalooyinkeena kaleba loo dhisi karo sida Garoowe iyo Hargeysa loo dhisay, markaas ayuu iimaanku inagu soo degayaa iminka samada inagaga laalan.
Waxan aad ula yaabaa dad aqoonyahan lagu tuhmayo ayaa marka aad la soo qaadid aynu maamul inoo gaar ah degaankeena u samaysano oo ka hoos baxno dulmiga, waxa ay kuu arkayaan in aad jariima weyn ku dhacday, waxa ay kuugu jawaabayaan, ma inagoo aan deked lahayn baynu goonni isu taagi karnaa?, ma inagoo aan laami lahayn baynu gooni isu taagi karnaa?, ma inagoo aan Faroole inoo ogolaan baynu gooni isu taagi karnaa?, ma inagoo aan Siilaanyo OK ka haysan baynu goonni isu taagi karnaa?,.
Dadka iyo dalku iyadoon meelina deked lahayn, laami lahayn, faroole jirin, siilaanyo jirin , ayey jireen waana la noolaa, oo weliba sharaf iyo karaamo lagu noolaa.
Maxaa hor taagan in ay midoobaan labada qaybood ee isamada u kala qaybsan Garoowe iyo Hargeysa?, maxaa hortaagan in ay midoobaan labada taliye ciidan ee C/laahi Cumar Cashuur iyo Muuse Jaamac?,. Maxaa hortaagan in ay midoobaan jaaliyadaha reer maakhir ee adduunka ku firirsan?, maxaa hor taagan in ay midoobaan ganacsatada reer maakhir ee dekedaha Bosaso iyo Berbera baadda lagaga qaado?, maxaa hor taagan in ay midoobaan Siyaasiyiinta Reer maakhir?, maxaa hortaagan in ay midoobaan culimada reer Maakhir inta aanay khawaarijtu degaankeena hoy ka samaysan?.
Waxaan leeyahay inta aynu kala qaybsanahay oo qof walba qumanihiisu qoorta ugu jiro horay u kici mayno in aynu dib u socono mooyee.
Qiso Dahabi ah( Golden story)
Oday xakiim ah ayaa geeridiisii soo dhowaatay, waxa uu u yeedhay 12 wiil uu dhalay ,waxa uu dalbaday in loo keeno 12 ulood oo yaryar, isaga oo doonaya in uu la dardaarmo ayuu ulihii isku xidhay oo ka dhigay hal xidhmo dabadeedna wiilashii marba mid u dhiibay si uu u jebiyo, way awoodi waayeen in ay jebiyaan, mar labaad ayuu ulihii kala furay oo mid walba ul u dhiibay oo ku yidhi jebi, wiil waliba ushii loo dhiibay waxa uu ku jebiyey wakhti ka yar ilbiriqsi, markaas ayuu ku yidhi I dhegeysta hadaba, anigu waan dhimanayaa taydii baa soo dhowaatay, waxan idinkula dardaarmayaa haddii aad isku duubnaataan oo weligiin aydaan is khilaafin, cududdiinuna mid ahaato ra’yigiinuna mid ahaado waxaad la mid noqonaysaan ulihii isku xidhnaa ee aad jebin kari weydeen, sidaas ayuu cadow walba oo idnin soo damcaa idiinka baydhayaa, haddiise aad kala yaacdaan, oo is khilaaftaan, oo midba mid ka kale ka cararo, aragiisana naco, mid walba cadowgu meel cidla ah ayuu ka helayaa, wax badanna iga dambayn maysaan, adduunkana dulli baad ku noolaanaysaan.
Waxan hadalkayga ku soo koobayaa
Walaalayaalow, Midooba……Midooba……midooba……midooba markaas baad wax noqonaysaane.
Wa bilaabhi towfiiq.
–
C/RISAAQ CALI MAXAMED
KUWAIT
Samakaab7@gmail.com
↧
Qormada Maakhir:- Marka hore Midooba
↧