Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka ayaa abaal marin lacageed u ballan qaaday cidii soo sheegta xog ama war ku saabsan shirqoollada ay shacbiga Soomaaliyeed u maleegayaan Maleeshiyada Kooxda Khawaarijta ah ee Al-Shabaab.
Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka Mudane C/samad Macalin Maxamuud oo gelinkii dambe ee maanta booqday goobtii ay Ciidammada Dowladdu ku fashiliyeen weerar is qarxin ah oo ay soo maleegeen Maleeshiyada Kooxda Shabaab ayaa Shaaca ka qaaday in Wasaaraddu ay abaal marin Lacageed siin doonto cidii soo sheegta xog la xiriirta waxa ay Shacabka u maleegayaan.
Riix Halkan Si Aad U Dhageysato Hadalkii Uu Wasiirka Arrimaha Gudaha Galabta Saxaafadda Siiyey
Wasiirka ayaa sidoo kale tilmaamay in lagama maarmaan ay tahay in Shacbiga Soomaaliyeed ay la shaqeeyaan Ciidammada Amaanka si la iskaga kaashado in laga hortago shirqoollada ay Shacabka usoo maleegayaan dhagar qabayaasha ujeedkoodu yahay Leynta dadka Soomaaliyeed.
Hadalkan kasoo baxay Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka ee la xiriira in la abaal marinayo shaqsigii Dowladda usoo sheega xog ku saabsan Maleeshiyada Shabaab ayaa imaanaya xili ay isasoo tarayaan shirqoollada ay fashilinayaan Ciidammada Ammaanka.
↧
Wasaaradda Arrimaha Gudaha Oo Abaal Marin Lacageed U Balan Qaaday Cidii Soo Sheegta Shabaab(Dhageyso)
↧