Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all articles
Browse latest Browse all 54547

Gen. Ilkajiir oo ku Baaqay in Hub ka Dhigis lagu Sameeyo Beelaha Puntland

$
0
0

Qardho (RBC) Wasiirka arimaha gudaha iyo dawladaha hoose Puntland Gen C/laahi Axmed Jaamac [Ilkajiir] ayaa ku baaqay in hub ka dhigis lagu sameeyo qabiilada Puntland isagoo sheegay in taasi ay yareyn kartoisku dhacyada qabiilada u dhexeeya ee ka dhaca gudaha Puntland.
Wasiirka ayaa hadalkiisan jeediyey isagoo markii ugu horeysay colaado dhowaan ka taagnaa gobolka Karkaar, wuxuuna sheegay wasiirku in colaadaha beeluhu ay sababaan dhimashada dad badan taasoo ay ugu wacan tahay hubka faraha badan ee ay haystaan beelaha.
“Anagu waxaan u aragnaa muhim in hub ka dhigis lagu sameeyo beelaha hubka heysta iyo maleeshiyaadka” ayuu yiri wasiirka oo dhanka kale sheegay in dawlada ay wado dadaalo ay ku dhexdhexaadineyso beelaha ay shaqaaqooyinka u dhexeeyaan ee ku wada nool gobolka Karkaar.
Hadalkan maanta ka soo yeeray wasiirka arimaha gudaha Puntland Gen Ilkajiir ayaa ku soo beegmay iyadoo xiiado colaadeed ay weli ka jiraan deegaano ka mid ah gobolka Karkaar iyadoo dadweynaha ay dhaliileen sida maamulku uga gaabiyey nabadeynta beelaha ay colaaduhu u dhexeeyaan.
RBC Radio


Viewing all articles
Browse latest Browse all 54547

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>