Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all articles
Browse latest Browse all 54547

Faah Faahin Iyo Sawirro Ku Saabsan Qaraxii Ay Ciidammada Dowladdu Maanta Fashiliyeen

$
0
0

Ciidammada Ammaanka ayaa maanta fashiliyey weerar is qarxin ah oo ay soo maleegeen Maleeshiyada Kooxda Khawaarijta ah ee Al-Shabaab kaasi oo ay la damacsanaayeen inay waxyeello ugu geystaan shacabkeena Muslimiinta ah ee uu Alle dhiigooda Xaaraantinimeeyey.
Inkastoo ay naftood haligayaasha weerarkan bahalnimada ah loosoo qorsheeyey naftooda inay ku haligaan goob ay dadku ku badan yihiin si uu qasaaruhu u bato ayaa hadana Ciidammada Dowladdu waxa ay gaarigan ku joojiyeen kasoo horjeedka xarunta Wasaaradda Arrimaha Dibadda kolkaasi oo naftood haligayaashu go’aansadeen inay is qarxiyaan si’aan nolosha loogu qaban.
Inta ilaa hada la xaqiijiyey Shan ruux oo Laba ka mid ah ay yihiin naftood halige yaasha ayaa goobta ku geeriyooday halka Seddaxda kale ee soo hartayna ay yihiin dad rayid ah oo nawaaxiga goobta falka uu ka dhacay ku ganacsanayey waxaana ku dhaawacmay Seddex ruux oo kale kuwaasi oo iyana rayid ah.
Lama sheegin qasaare intaas ka baxsan oo goobta ka dhashay waxaana wariyeyaal ka socday Warbaahinta si ay u ogaadaan inta dhibtu la egtahay ay tageen Isbitaallada magaalada Muqdisho iyo goobta uu falkan ka dhacay balse Qaraxan ay Ciidammadu maanta fashiliyeen ayaa ku biiraya Qaraxyo noocan oo kale ah oo ay Shabaabku Shacabka usoo maleegeen kuwaasi oo ay Ciidammada Ammaanku ka hortageen.





Goobjooge Warbaahinta Kula Hadlaya Goobta ay Wax Ka Dhaceen

Bidix Taliyaha Booliiska,Midig Taliye Kuxigeenka oo Goobta tagay Waxyar Kadib markii weerarka la fishiliyey
Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka oo Isna goobta tagay Qaraxa kadib
Haweeney ku ganacsaneysay nawaaxiga goobta ay wax ka dhaceen oo dhaawac goobta uu kasoo gaaray
Wiil Isna Miis kulahaa nawaaxiga goobta uu wax ka dhacay oo dhaawac uusoo gaaray
Haraadiga ka haray gaarigii qarxay
Darbiga Kasoo Horjeeda Dhismaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda oo gaariga ay Ciidammadu ku joojiyeen
 


Viewing all articles
Browse latest Browse all 54547

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>