Quantcast
Viewing all articles
Browse latest Browse all 54547

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Oo Dhambaal Gaarsiiyay R/Wasaaraha Malaysia.

Kuala Lumpur. Wasiirka arrimaha dibadda Dawladda Soomaaliya Mudane Maxamed Maxamuud Xaaji Ibraahim oo socdaal gaaban ku soo gaaray caasimadda Kuala Lumpur ee dalka Malaysia ayaa waxa uu warqad raali gelin ah soo gaarsiiyay ra’isal wasaaraha Malaysia Datuk Seri Najiib A/razak.
 
Warqadan oo sida la sheegay xambaarsaneed macluumaad la xiriira shilkii 2-dii September ka dhacay magaalada Muqdisho ka dib markii Sawir Qaade Malaysian ah uu naftiisa ku waayay rasaas lagu furay gaari uu saarnaa xilligaasoo ay ka soo rawaxeen hawlo gar gaar ay ka wadday hay’ad Malaysian ah.
 
Haddaba dhacdadan oo muddo badan saxaafaddu hadal haysay isla markaana ay socdeen baaritaano la xiriira cidda falka gaysatay, taasoo dib dambe laga ogaaday ayaa Dowladda Soomaaliya waxa ay isku taxluujinaysay sidii ay uga raali gelin lahaayeen Xukuumadda Malaysia iyo guud ahaan shacabkeeda.
 
Kulankii maanta dhex maray Ra’iisulwasaaraha Malaysia iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda Dawlada Soomaaliya oo muddo 30 daqiiqo qaatay ayaa Wasiirka mudane Maxamed M. Xaaji Ibraahim waxa uu si qiiro leh uga tacsiyeeyay shilkaasi dhacay isagoo Dowladda Malaysia ka codsaday in uu sii socdo xiriirka labada xukuumadood, isla markaana ay dawlada Malaysia si caadi ah u wadan karto hawlaha bini’aadanimo ay ka waday gudaha wadanka Soomaaliya, guud ahaan arrimahaasna ra’isal wasaaraha Malaysia mudane Datuk Najib A/razak waa uu soo dhaweeyay.
 
Ugu dambeyntii, boqashada Wasiirka Arrimaha Dibadda Mudane Maxamed M. Xaji Ibrahim waxa ku wehliyay wasiirka kheyraadka badda mudane Axmed Xasan Aadan kaasoo sheegay in imaatinkooda uu la xiriiray sidii xiriir iskaashi u dhex mari lahaa labada wadan  Waxayna u si weyn ugu mahad naqeen Ra’iisulwasaaraha Malaysia oo soo dhaweyn diiran kala kulmeen.
 
 
Wariye C/raxmaan Jaamac Afrax ” Helos “
Kuala Lumpur _ Malaysia
 


Viewing all articles
Browse latest Browse all 54547

Trending Articles