Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all articles
Browse latest Browse all 54547

Waqtigan la joogo waxa lama huraan ah isgaashaanbuuraysi siyaasadeed oo dhexmara sadexdan mujaahid‏,By : qaasim diiriye ( wadani)

$
0
0

 
Waxaan marka hore salaamayaa umada Somaliland meel kasta oo ay joogaan iyo warbaahinta madaxbanaan gaar ahaan qaybta website yada inyaa kadin hadii aan gudo galo maqaalkayga
 
Waxa jirta in manta marka ay xaga siyaasada timaado in halgankii mujaahidiintii SNM uu kooto ugu xidhanyahay dhawr mujaahid oo kaligood isu yaqaana in ay SNM yihiin oo marka SNM la so hadal qaadoba iyaga ayaa laabta soo garaaca .
Waxa aynu ognahay in la furay nidaamkii xisbiyada waxaynu kaloo arkaynayaa iyada oo ninkasta oo hami ama hunguri ka hayay in uu mar uun dalkan xukumo in uu xisbi furanayo oo waliba taageero u raadsanayo xisbigiisa iskuna dayayo in uu keeno siyaasiyiin magic ku leh somaliland si uu hadhaw xisbigiisa cod ugu helo
Waxa hadaba manta lama huraan ah in sadexdan mujaahid ay saaxada siyaasada Somaliland soo galaan si ay umadooda iyo dalkoodaba wax ugu qabtaan isla mar ahaantaana waa in ay ku midoobaan cududoodana isugu geeyaan hal xisbi
Hadaba akhristaw sadexdan mujaahid waa sadex mujaahid oo taariikhda SNM iyo Somalilandba baal dahab ah kaga jira taasoo cid kasta oo magacooda maqashaaba ay qirayso kartidooda,raganimadooda iyo waliba wadaninimadooda hadaba sadexdan mujaahid waa kuwo ma ?
Waxa ay kala yihiin
1)    Muj Axmed mire maxamed nuux
2)    Muj Ibraahim dhegowayne
3)    Muj C/raxmaan Aw cali
Hadaba waqtigan la joogo waxa lagama maarmaana isgaashaanbuuraysi siyaasadeed oo dhexmara 3 dan mujaahid isla mar ahantaana waxa lama huraan aha in ay furtaan xisbi siyaasadeed ka soo ka qayb gala tartanka golaha deegaanka ee qabsoomi raba Somaliland iyo dhamaanba doorashooyinka kale ee dalka ka dhici doona
Xaga deegaanka hadii aad ka eegto sadexdan mujaahid waxa ay ka soo jeedaan qaar ka mid ah beelaha Somaliland kuwaasoo degaan ahaan dega dhamaanba lixda gobol ee Somaliland laga soo bilaabo awdal ilaa ceergaabo halkaas oo ay taageero balaadhan ka heli doonaan .
Waxa kale oo xusid mudan in beelaha ay ka soo kala jeedan sadexdan mujaahid in  isgaashaanbuuraysi siyaasadeed hore u dhexmaray iyagoo doorashadii 2003 dalka ka dhacday  taageeray xisbigii Udub isla mar ahaantaana ku guulaysaty in ay soo saran xisbigii UDUB   taasoo keentay in Daahir riyaale noqday madaxwaynihii dalka ee waqtigaa
Hadaba umada Somaliland manta waxa ay manta u baahantahay siyaasiyiin waji cusub leh oo dardar galiya doorashooyinka dalka ka dhacaya isla mar ahaantaana dalkooda wax u qabanaya hadii loo baahdana naftooda u huraya
 
Guul Somaliland
By : qaasim diiriye ( wadani)
qaasim444@hotmail.com
 
————————————————————–
Afeef: Aragtida maqaalku waa mid u gaar ah qoraaga, anaguna hadaanu Oodweynenews nahay waxaanu leenahay Magacaagu yuu noqon mid xumaan ka marag kaca, haka talin masiibiyo wax makhluuqa kalla dilla.
 


Viewing all articles
Browse latest Browse all 54547

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>