21 Oct 2011- 26jirgaan reer Portugal ee dhanka weerarka uga ciyaara Kooxda Real Madrid ayaa sheegay in kooxda Real ay tahay naadiga ugu awooda badan xilikan, ayna haysato ciyaaryahanada ugu fican aduunka,
isagoo u muuqda inuu si sarbeeb ah ula hadlaayo wiilasha kubada qurxoon ee kooxda Barcelona ayuu Ronaldo shaaciyay inay yihiin naadiga ugu fiican caalamka kooxda real.
“waxaan haysanaa tayada ugu fiican aduunka,ciyaaryahanada ugu wanaagsan caalamka,waxaana nahay kooxda aduunka e haatan”
“waxaan iminka leenahay hanaanka ugu adag safashada kooxaha,waana taas mida marwalbaa iga farxisa,waa taas mida aan marwalbaa u ahay laacib fiican,waxaan filayaa in laacib kastaa ooa wood leh uu dadaalay hadaadan dadaalin waxba ma noqonaysid,waa taas mida aan anigu marwalbaa usoo bandhigo dadaalka wacan,”
Ronaldo oo ka mid ah laacibiinta caalamka haatan loogu jecelyahay uguna qaalisan ayaa isagoo hadalkiisa sii wada waxa uu intaasi raaciyay “mahaysan wax qibrad ah oo aan ku taamo markaan yaraa,haatan wax walbaa way isbedeleen oo waxaan ahay laacib wanaagsan,waa in aan dadaalaa,waxaana diyaar u ahay marwlabaa inaan wax bartaa aadna u dadaalo”
laacibkaan ayaa sanadii 2009 kooxda Real Madrid kaga soo biiray dhanka Kooxda Manchester Untd waxa uuna ahatan kooxdiisa u saftay in kabadan 100 Kulan.
Mohamud hassan idaajaa
idaajaa4@gmail.com
idaajaa_11@hotmail.com
↧
C.Ronaldo “Real ayaa ah naadiga Aduunka Haatan”
↧