Xukuumada Soomaaliya ayaa ku dhawaaqay qorshe sida ay sheegeyso ay ku xidida siibeyso xoogaga dagaalka kula jira ee inta badan Koofurta Soomaaliya ka arimiya.
Wasiiru-dowlaha wasaarada arrimaha gudaha Mudane Xidig ayaa sheegay in Ciida Alshabaab iyo Xisbul islaam laga weyn doono Koofurta Soomaaliya waa siduu hadalka u dhigaye.
Wasiir Xidig in kastoo hadalkiisa laga dhadhansan karo ku tiirsanaan xoog kale waaba haddii uu jiree ayaa ku celceliyay in dowladu dhameystirtay qorshe ay Koofurta Soomaaliya uga qabsaneyso xoogaga Alshabaab iyo Xisbul islaam.
"Booliska iyo Milateriga Dowladda qalabkii ciidan ee ay ku hawlgeli lahaayeen waa la dhameystiray waxaana la arki doonaa sida ay cagta u mariyaan cadowgan dalka iyo dadka duleystay" Wasiiru-dowle Xidig.
Dhanka kale xoogaga ka soo horjeeda dowladda ayaa dhankooda ku dhaaranaya in ay dowladda iyo AMISOM guud ahaanba Ramadaanka gudihiisa ka saari doonaan magaalada Muqdisho.